In xalay uu shabaqiisa ilaashto PetrCech ayaa u sii dhaweyneysa inuu gaaro rikoorka goolhayaha taariiqda Premier league shabaqiisa ilaashtay tirada ugu badan.
PetrCech ayaa ka baxay kulankii Liverpool iyo Arsenal isagoon wax gool ah laga dhalin.
Lix kulan inuu ka difaacdo gool shabaqiisa ayuu haatan u jiraa goolhayaha cusub Arsenal inuu bar bareeyo rikoorka goolhayaha rikoorkaas heysta ee David James.
David James waa ninka shabaqiisa ilaashtay kulumada ugu badan Premier league waana 169 jeer.
PetrCech oo ku soo xiga ayaa isagana shabaqiisa ilaashtay 163 jeer.
Goolhayihii hore Chelsea Mark Schwarzer ayaa ah ninka seddexaad waxaana uu ilaashtay goolkiisa 151 jeer.