Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Madaxweynaha Barcelona oo ka hadlay doonista Neymar ee Man United

$
0
0

Madaxweynaha Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa u sheegay Man United ineysan ka iibineyn da’yarkooda Neymar.

Wargeysyada England ka soo baxa ayaa qorayay isbuucaan 23 jir Neymar inuu rabo  ku biirista kooxda ku ciyaarta garoonka Old Trafford.

Laakiin Josep Maria Bartomeu ayaa sheegay Neymar inuu kabaha isaga siibi doono Barcelona oo waayihiisa ciyaareed uu ku dhameysan doono.

1492152_herol

Madaxweynaha ayaa u sheegay Radio Catalunya iney damacsan yihiin bilaha soo aadan Neymar iney ka saxiixaan heshiis waqti dheer.

“ma dooneyno Neymar inuu naga tago,waa uu yaryahay waxaana dooneynaa inuu ku duqoobo halkan.

“waan kal xaajoon doonaa Neymar arinta heshiiska,kaliya seddex xili ciyaareed ma ahan oo waxaan dooneynaa inuu nala joogo shanta ilaa 10-sano ee soo aadan ayuu yiri.

2013 ayuu Neymar ku soo biiray Barcelona waxaana uu xagaagii hore uu u dhaliyay 39 gool 51 kulan uu saftay.

Durba waxaa uu la qaaday Blaugrana horyaalka, Copa del Rey iyo Champions League.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Latest Images

Trending Articles