Arsene Wenger macalinka kooxda reer England ee Arsenal ayaa waxaa uu sheegey in Liverpool ay tabi doonto xiddigeedi Sterling kadib markii ay caawa kulmaan.
Kooxaha Arsenal iyo weliba sidoo kale Liverpool ayaa waxaa ay caawa ku balansanyihiin kulan ku tirsan horyaalka ingriiska, kaasoo ah kulan aad loo wadda sugaayo daawashadiisa.
Xagaagan kooxda Liverpool ayaa lumisey xiddigeeda Raheem Sterling kaa oo xagaagan ay ka iibisey kooxda Manchester City oo ku iibsatey aduun lacageed gaaraya ilaa iyo 49 Milyan oo ginni.
Hadaba Macalin Wenger ayaa kooxda Liverpool waxaa uu sheegey in Liverpool aysan iminka laheydn awoodeedii hore isagoona sheegey in ay awood buuxda u leeyihiin in ay guul ka gaaraan.
Kulanka ay caawa labadaan kooxood wada yeelan doonan ayaa waxaa uu ka dhici doonaa garoonka kooxda Arsenal ay ku ciyaarto ee Emirates.