Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Neymar Oo Hadalkan Kaga Farxiyey Taageerayaasha Manchester United!!!

$
0
0

Xiddiga kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Brazil Neymar ayaa cadeyey in uu doonayo in mustaqbalka dhow uu ku biiro kooxda Manchester United kadib markii uu arkey sida ay u xiiseyneyso.

neymar-barcelona

Kooxda United-ka ayaa rajo weyn ka qabta in ay garoonkeeda Old Trafford ay keeni doonto Neymar maalmaha soo socda ka hor inta aanu suuqa kala iibsiga xirmin.

Sida Majaladda Daily Mail ay qoreyso Neymar ayaa sheegey in uu doonayo in Red Devils-ka uu ku biiro balse sida la sheegey heshiiskan ayaan dhici karin ka hor xagaaga danbe.

23 jirkan ayaa waxaa la sheegayaa in uu aad u doonayo ka hoos ciyaarista macalin Van Gaal waxaana uu kamid yahay iminka xiddigaha United-ka diiradda u saaran.

Heshiiska uu Neymar kooxdiisa kula joogo ayaa waxaa uu ka dhacayaa sanadka 2018ka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles