Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Jose Mourinho “waan iska fasaxay Kevin de Bruyne kadib markii uu igu ooyay

$
0
0

Jose Mourinho ayaa difaacay go’aankii uu Chelsea uga iibiyay xiddiga kacsan haatan ee isha lagu wada hayo Kevin de Bruyne.

Sanadkii 2014 Jose Mourinho ayaa £18milyan uga iibiyay kooxda Wolfsburg laakiin haatan waxaa uu dib ugu soo laabanayaa England.

Kooxda ay xifiltamaan Chelsea ee Man City ayaa £57milyan ku raadineysa xiddigan waxaana laga yaabaa inuu ku biiro.

FotorCreated

“De Bruyne,hadii ciyaaryahan uu garaacayo Albaabkaaga oo uu u oynayo maalin waliba inuu ka tago kooxda,waxaad gaareysaa go,aan ,waqtigaasna Chelsea waxaa ay sameysay wax fiican ayuu yiri Mourinho isagoo la hadlayay Sky Sports News.

“hadii De Bruyne uu joogi lahaa halkan kuma faraxsanaan laheyn,hadii uu sii joogi lahaa Chelsea xiligan oo uusan ku biiri laheyn Wolfsburg ma aysan gaari laheyn kubadiisa heerka maanta ay tahay ayuu ku daray.

23 jirkan ayaa Chelsea kaliya u saftay sagaal ciyaar kahor inta uusan ku biirin Wolfsburg.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Latest Images

Trending Articles