Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

TOP:Chelsea oo sababta Pedro u iibineysa madaalaheeda Willian

$
0
0

Chelsea ayaa u muuqata mid inta isdhisa leedahay iney sii bur burto kadib marka aad aragto warkan.

Wararka saakay soo baxaya ayaa sheegaya Chelsea iney dooneyso iney Willian ka iibiso kooxaha Bayern Munich iyo Paris Saint-Germain midkood.

chelsea-newcastle-united-willian-jack-colback

Chelsea ayaa ku sii dhawaaneysa iibsiga xiddiga Spain iyo kooxda Barcelona ee Pedro sidaa daraadeed waxaa ay kooxda ka direysaa Willian.

Jose Mourinho ayaa leh go’aanka lagu iibinayo xiddiga Brazil oo boos joogta ka heystay Chelsea tan iyo markii uu Stamford Bridge ku soo biiray 2013.

Sida ay qortay Foot Mercato kooxaha PSG iyo Bayern Munich ayaa ah kooxaha raba iney iibsadaan inta uusan suuqa kala iibsiga xermin.

Willian ayaa ku soo bilowday safka Chelsea labada kulan ee ugu horeeyay horyaalka Premier league.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles