Weeraryahanka Manchester United Wayne Rooney ayaa wacad ku maray inuu ka soo kaban doono abaarta goolasha ka heysata xili ciyaareedka cusub 2015-16.
30 jirkan ayaa ku guuldareystay inuu gool dhaliyo labada kulan ee ugu horeeya horyaalka Premier league.
Sidoo kale wax gool ma dhalin lugta hore Champions league oo 3-1 ay ugu adkaatay United kooxda Club Brugge.
Ka tagista kooxda Radamel Falcao iyo Robin van Persie waxaa cadaadiska gool dhalinta uu fuulay Rooney.
Laakiin Rooney ayaa u sheegay BT Sport in goolashiisa ay iska imaan doonaan kaliya seddex kulan uu ciyaaray uun.
Memphis Depay ayaa akoonkiisa goolasha ku furtay Champions league kooxda reer Belgian xili kabtanka uusan hal goolna dhalin.