Kooxda reer England ee Manchester City ayaa lagu soo waramayaa in ay ku soo biirtey xiisaha lagu doonayo saxiixa weeraryahanka kooxda Barcelona Pedro.
Manchester United ayaa aheyd kooxda keliya ee dooneysey saxiixa xiddigan isla markaana u dhaweyd balse Chelsea ayaa horey ugu soo biirtey haatana City ayaa sheegtey in ay dooneyso.
Agaasimaha Manchester United ninka lagu Magacaabo Ed Woodward ayaa sheegey in ay kooxdisu tahay mid heshiis horey ula gashey Barcelona iyaga oo keliyana laga iibin doono madama xiddigu laftiisa uu doonayo ku biirista Manchester United.
Manchester City masuul u hadley ayaa isaguna sheegey in kooxdiisa ay ka go’antahay soo qaadashadda xiddigaan inta aanu suuqa kala iibsiga xirmin xagaagan.