Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Sterling Oo Gurigii Uu Liverpool Ku Lahaa Iska Iibinaya!!!

$
0
0

Raheem Sterling dhawaan galka kooxda Manchester City ayaa lagu soo waramaaa in uu doonayo in uu iska iibiyo guri weyn oo uu ku lahaa magaladda Liverpool.

Sterling ayaa xagaagan waxaa uu ku  biirey kooxda Manchester City oo ku iibsatey aduun lacageed gaaraya ilaa iyo 49 Milyan oo ginni oo ka dhigeysa xiddigii ugu qaalisanaa oo England ah oo intaa lagu iibsadey.

Haddaba waxaa uu Sterling go’aamiyey in uu iska ibiyo gurigiisi ku yaaley Liverpool waxaana lagu qiyaasey in lagu iibinayo aduun lacageed gaaraya ilaa iyo £1.5m.

20 jirkan ayaa 5 sanadoo ku qaatey Magaladda Liverpool waxaana haatan nolol cusubi ay uga bilaabatey Magaaladda Manchester.

Gurigan uu iska iibinayo Sterling ayaa la sheegayaa in uu yahay guri dhameystiran oo waxaa uu leeyahay halkii lagu ciyaarayey kubadii Meeshii Timaha lagu jaranayey, Waaskadii lagu qubeysanayey iyo weliba sidoo kale halki Basketball-ka lagu ciyaarayey.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles