Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Mateo Kovačic oo Sanitas-La Moraleja tijaabada caafimaad goordhow ugu maraya Real Madrid

$
0
0

Mateo Kovačić ayaa ku sugan haatan hotelka Sheraton Mirasierra ee magaalada Madrid waxaana la soo bandhigayaa saakay.

Ciyaaryahanka ayaa ka soo dagay xalay garoonka diyaaradaha Adolfo Suárez Madrid–Barajas Airport.

1439947169_670105_1439947236_noticia_normal

Kulankii u dhaxeeyay Real Madrid iyo Galatasaray ee koobka Trofeo Bernabéu ayuu ka daawaday hotelkii uu ku nasanayay.

Goordhow waxaa uu gaari ku tagayaa Sanitas-La Moraleja halkaas uu tijaabada caafimaad uu ku marayo waxaana lagu soo bandhigayaa garoonka Santiago Bernabéu saacada marka ay tahay 3:00 galabnimo.

Kovačić lama gudoonsiin doono lambarkiisa marka  la soo bandhigayo waxaana jira hal lambar oo yaala waana kan No 25 oo loo dhigay goolhayaha seddexaad ee Rubén Yáñez.

Real Madrid ayaa u sugi doonta inta ka banaanayaan lambarada 16 oo uu wato Lucas Silva iyo kan 24 uu wato Illarramendi kuwaas oo laga yaabo iney ka tagaan kooxda.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles