Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Marka aad aqriso Xaqiiqooyinkan Jose Mourinho waxaad ogaaneysaa inuu yahay Boqorka Premier league

$
0
0

Guuldaradii  Toddobaadkan ku dhacday Chelsea waxaa ay soo banaan bixisay awooda ciyaareed ee horyaalka Premier league uu ku leeyahay Jose Mourinho.

Runtii lama xaqiri karayo ninkan reer Portugal waxaana uu kamid yahay tababarayaasha ugu guulaha badan Adduunka.

CMjiB-XWgAAqcSZ

Guuldaradii Man City ka soo gaartay Mourinho ayaa aheyd tii 10 aad ee ka soo gaarta horyaalka England tan iyo markii uu ku soo laabtay Chelsea markii labaad sanadkii 2013.

78 kulan ayuu macalinka Portugal Chelsea hogaamiyay tan iyo 2013 kaliya waxaa laga badiyay 10 jeer,waxaan qabaa iney yartahay guuldarada ku dhacday oo kulamada ay aad u badan yihiin.

Intaas kaliya kuma hakaneyno Jose Mourinho ayaa rikoor kale oo kan ka weyn waxaa uu sameeyay imaanshihiisii ugu horeeyay Chelsea iyo ka tagistiisa.

Kaliya waxaa ku dhacday 10 guuldaro Premier league intii u dhaxeysay 2004 ilaa 2007 kadib marka uu ciyaaray 120 kulan.

Taas waxaa ay ka dhigan tahay Mourinho inta uu Chelsea tababaraha u ahaa in 20 jeer ay ka soo gaartay horyaalka guuldaro 198 kulan uu hogaamiyay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles