Laurent Blanc macalinka kooxda reer France ee PSg ayaa waxaa uu sheegey in xiddigiisa Ibrahimovic uu ka soo kabanayo dhaawacii uu ka qabey canqowga.
Xiddigan reer Sweden ayaa ku dhaawacmey kulankii furtaanka horyaalka dalkaasi France waxaana macalin Blance uu sheegayaa iminka in isaga iyo saxiixooda cusub ee Angel Di Maria.
” Waa uu soo kabanayaa Zlatan markan kulamadda soo socdana in uu ciyaaro ayuu taam u soo noqonayaa” sidaasi waxaa yiri maclain Blanc.
Ibrahimovic ayaa waxaa uu kamid yahay xiddigaha suuqa kala iibsiga aad looga baadi goobayo.