Robin van Persie ayaa la kulmay wiilkii u ooyay ka tagistiisii kooxda Manchester United kaas oo lagu magacaabo Louis Diamond.
Ciyaaryahanka Holland ayaa ku biiray kooxda Fenerbahce xagaagan isagoo xalay u saftay kulankiisii ugu horeeyay.
Shan jirkan Louis Diamond oo ka warhelay in Van Persie uu ka tagay kooxda uu taageeraha u yahay ee Man United ayaa muuqaal laga soo qaaday isagoo ooynaya waxaa la dhigay baraha bulshada taas oo calool xumeysay taageerayaasha Fenerbahce.
Kadib jamaahiirta Fenerbahce ayaa go’aan ku gaaray in lacago ay iska uruuriyaan si ay wiilkan iyo qoyskiisa u keenaan Turkiga ulana kulansiiyaan geesigiisa Van Persi.
Khamiistii ayey ehelka wiilkan ka dageen Istambul waxaana ay xalay daawadeen kulankii Fenerbahce ay 2-0 ku garaacday Eskisehirspor markaas uu Van Persie ciyaarayay.
Van Persie ayaa ciyaarta kadib wiilka la kulmay sida aad arkeyso waxaana uu cadeeyay inuu daawaday muuqaalka wiillka oo ooyaya balse uu ku faraxsan yahay haatan la kulankiisa.
Shan maalmood ayey maamulka kooxda u ogolaadeen wiillka iyo qoyskiisa iney ku dalxiisaan Turkiga.


