Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Liverpool Oo Roma U Diisey In Ay Amaah Ku Siiso Xiddigeeda Sakho.

$
0
0

Kooxda reer England ee Liverpool ayaa waxaa ay kooxda Roma ka soo diidey dalab ay ku dooneysey in ay amaah ku qaadato daafaca kooxdaasi Mamadou Sakho.

wiilkan reer France ayaa waxaa uu ka maqnaa shaxdii xiddigaha Liverpool u mataleysey kulankii Stoke City ay la ciyaarayen, waxaana Roma ay dooneysey in ay arintaasi kaga faa’ideysato.

Sakho oo kulankaasi garoonka ay ciyarta ka socotey ku sugnaa ayaa waxaa iminka aad loola xiriirinayaa in todobaadyadda soo socda uu ku biiri doono kooxda Roma.

Balse war Daily Star ay qortey ayaa lagu sheegayaa in kooxda Liverpool uu qorshaheedu yahay in xiddigeeda Sakho ay ku ceshato kooxda.

Sakho ayaa Liverpool sanadkii 2013ki kaga soo biirey dhanka kooxda PSG.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles