Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Thomas Muller Oo Runta U Sheegey Manchester United, Kadib Markii Ay Dalab Rasmi Ah Ay Ka Gudbiyeen.

$
0
0

Thomas Muller weeraryahanka kooxda Bayern  Munich iyo weliba sidoo kale xulka qaranka Germany ayaa waxaa uu meesha ka saaray wararka sheegaya in uu ku biirayo kooxda Manchster United xagaagan.

kooxda Manchester United ayaa dalab 50 milyan ah dhawaan ka gudbisey xiddiga kooxda Bayer Munich waxaana ay dooneysaa in ay xagaagan keento kooxdeeda.

Haddaba Muller ayaa maanta hadley isagoona Manchester United u sheegey in ay iska joojiso riyada ay ku riyooneyso helistiisa, isagoona intaa raaciyey in uu ku faraxsanyahay sii joogitaanka kooxdiisa.

“ma garan garo Van Gaal isaga weydiiya, aniga halkan ayaan joogaa kuna faraxsanahay in aan sii joogo” ayuu ku jawaabey mar wax laga weydiiyey wararka sheegaya in uu United ku biirayo iyo in kale.

Dhawan agaasimaha guud ee kooxda Bayern Munich ayaa sheegey in xiddigooda Thomas Muller aanu iib aheyn.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles