Adnan Januzaj garab weerarka kooxda Manchester United ayaa waxaa uu suurgal ka dhigey in xagaagan uu amaah ugu dhaqaaqi karayo kooxda Sunderland.
Kooxda Black Cats-ka ayaa waxaa ay aad u doonayeen in ay heshis la gaaraan xiddigan kooxda Manchester United ka tirsan, waxaana ay u badantahay in Amaah-da ay ku dooneyso lagu siin doono.
Januzaj ayaa ilaa iyo iminka noqon la’ dooqa kowaad ee macalin Van Gaal, haddaba si uu xiddigan isu soo muujiyo ayaa waxaa ay qasab noqoneysaa in amaah lagu siiyo koox kamid ah kooxaha saxiixisa doonaya.
Si kastaba waxaan la ogeyn go’aanka rasmiga ah ee kooxda Manchester United ay xiddigan ka soo saarin doonto.