Kabtanka Arsenal Mikel Arteta ayaa ku kalsoon xiddigaha kooxdiisa in awood buuxda ay u leeyihiin xagaagan iney ku guuleystaan horyaalka Premier league.
Gunners ayaa guuldaro ku furay kulankeeda ugu horeeyay horyaalka waxaana 2-0 ku garaacday West Ham.
11-sano ayey sugeysaa Arsenal ku guuleysato horyaalka Premier league waxaana mudo dheer ay gadaasheeda tahay kooxaha Man united,Chelsea iyo Man City oo qaadayay horyaalka.
Labo koob xiriir FA Cup oo ay qaaday Arsenal kabtanka Gunners ayaa sheegay in Premier league uu yahay xagaagan koobka ay u socdaan,sidaas waxaa uu u sheegay Daily Mail.
Laakiin dadka ciyaaraha ka faalooda waxaa ay leeyihiin Arsenal iyadoon ku soo darin kooxda weeraryahan kale ineysan qaadi Karin tartankan.
Arsene Wenger ayaa ku cel celiyay inuusan xiddig kale u baahneyn oo uu heysto saf wanaagsan.