Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Xiriirka kubada Cagta FIFA oo u sheegay Jose Mourinho in marada ay ka dhacday Isbuucaan

$
0
0

Kadib markii gudiga dhaqaatiirta ciyaaryahanada Premier league ay cambaareeyeen Jose Mourinho waxaa ku soo biiray gudigaha caafimaadka ee Fifa.

Madaxa Cafaimaadka ee Fifa Jiri Dvorak ayaa difaacay dhaqtarada Chelsea Eva Carneiro kadib markii Jose Mourinho uu ka ganaaxay iney ciyaarta Man City Axada ay la ciyaarayaan ay wadato shaqadeeda caafimaad.

Tababaraha Portugal kuma uusan farxin in dhaqaatiirta caafimaadka Chelsea ay gudaha u galaan garoonka kulankii 2-2 ay la galeen Premier league Stoke markaas oo ay u ordeen Eden Hazard oo dhaawac uu soo gaaray.

article-3196584-2B57C38200000578-922_970x391

Mourinho waxaa uu u arkayay in waqtiga ay ku dhimanayaan kooxdan waxaana uu cadeeyay Hazard inuusan soo gaarin dhaawac weyn oo garoon loo galo.

Tababaraha waxaa uu ka ganaaxay Carneiro iyo Jon Fearn oo ah dhaqaatiirta kooxda iney yimaadaan kulanka Man City.

Dhaqaatiirta FIFA oo ka carootay waalida Mourinho ayaa hadalkan ka yiri.

“marka aan fiirino dhinacyada caafimaadka tababaraha waxba kama dhihi karo taas ,waa inaan ogaanaa xaalada caafimaadka ciyaryahanada.

“Ma arkin xaaladan oo kale marka uu macalin u sheego dhaqaatiirta kooxdiisa ineysan gudaha u galin garoonka si ay u daweeyaan xiddigaha,waan difaaceynaa shaqada dhaqtarka,Fifa arintaas ma aqbali doonto ayuu yiri madaxa caafimaadka Fifa.

Gabadha lagu magacaabo Carneiro ayaa heshay taageerayaal badan iyadoo Mourinho uu dareensan yahay in marada ay ka dhacday.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Latest Images

Trending Articles