Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Neymar oo xanuunka soomaalida dartii labada final Super Cup u seegaya

$
0
0

1439113718_extras_noticia_foton_7_0

Warkii hore war ka sii xun ayey soo qorayaan maanta majadaha ka soo baxa dalka Spain kaas oo ku aadan xaalada caafimaad ee Neymar.

Shalay waxaa soo baxday xiddigan inuu seegayo kulanka habeen dambe iyo lugta hore Spanish Super Cup oo ay la ciyaarayaan kooxda Athletic de Bilbao.

Neymar ayaa la sheegay iney heyso qadho daran oo waxaa ku dhacay waxa ay soomaalida u garanayaan Bus Bus.

Majalada Spain ka soo baxda ee Marca ayaa sheegeysa Neymar inuu garoomada u seegayo xanuunkan labada Final Super Cup ee Spanish Super labadiisa lug iyo kan UEFA Super Cup ee habeen dambe dhacaya.

Kulankiisa ugu horeeya ee garoomada uu ku soo laabanayo waxaa la sheegay iney noqon doonto 23-ka Augusto oo ay ciyaareyso Barcelona kulankeeda ugu horeeya La Liga.

Barcelona waa ay tabi doontaa Neymar wallow Messi iyo Suarez ay heystaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles