Arsene Wenger macalinka kooxda reer England ee Arsenal ayaa waxaa uu sheegey in uusan diyaar weli u aheyn in uu suuqa kala iibsiga lacago badan oo hor leh uu ku qarash gareeyo, kadib guuldaradii maanta ka soo gaartey kooxda West Ham United.
Kooxaha West Ham United iyo weliba Arsenal ayaa maanta isku arkey kulan kamid ah kulamada furitaanka horyaalka waxaana Arsenal looga adkaadey laba gool iyo waxba.
Keliya Goolhaye Cech oo ay 10 Milyan Chelsea ka soo siisteen ayaa waxaa uu yahay xiddiga keliya ee macaruufka ah ee ay xagaagan suuqa kala iibsiga ka soo qaadatey waxaana weli ay raad joogta Benzema oo ay dooneyso.
Haddaba macalin Wenger oo guuldaradii maanta kadib saxaafada la hadley ayaa sheegey in kooxdiisa aysan diyaar u aheyn in ay qarashaad badan suuqa kala iibsiga geliso xagaagan.
Kulanka kan xiga Arsenal waxaa ay wajihi doontaa kooxda Crystal Palace.