Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Kooxda Roma Oo Amaah Ugu Dhow In Ay Ku Qaadato Daafaca Kooxda PSG Lucas Digne.

$
0
0

Daafaca danbe ee kooxda PSG ninka lagu magacaabo Lucas Digne ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu qarka u saaranyahay in uu amaah ugu biiro kooxda ROma ee reer Taliyaani.

Xiddigaan ayaa waxaa uu kamid ahaa xiddigigii xagaagan uu diiradda u saarnaa kooxda Liverpool oo dooneysey in xagaagan ay garoonkeeda keento.

So kastaba Majaladda France Football News ayaa waxaa ay qortey in 22 jirkan uu saaxibadiisa kooxda jimichii u sheegey in kooxda uu isaga tagayo xagaagan.

Kooxda PSg ayaa xiddigan Lucas Digne ku qiimeysey aduun lacageed gaarayaa ilaa iyo 17.7 Milyan oo ginni, haddaba kooxda Roma ayaa xiddigan ku qaadaneysa Amaah hal xili ciyaareed ah balse ay hadhow hadii ay doonto toos ula wareegi kareyso.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles