Marco Verratti xiddiga qadka dhaxe uga ciyaara kooxda PSG iyo weliba sidoo kale xulka qaranka dalka Taliyaaniga ayaa waxaa uu sheegey in kooxdiisa PSG ay dooneyso in Ibrahimovic ay kooxda ku celiso xagaagan.
Ibrahimovic ayaa iminka ku jira sanadkiisi ugu danbeyey ee heshiiska uu kooxdiisas kula jooog waxaana aad loola xiriirinayaa in uu xagaagan isaga tagayo kooxdiisa PSG isagoo la hadal hayo in Ac Milan uu dib ugu noqonayo.
Haddaba Marco Verratti ayaa dhankiisa xusey in kooxdiisa PSG ay aad u dooneyso in Xiddigan Ibrahimovic ay kooxda ku sii heyso isla markaana ay heshiis cusub ka saxiixato.
” Ibrahimovic kooxda aad bey u dooneysaa in ay u celiso weliba ay heshiis cusub ka saxiixdo, runtii aniga ma cadeyn karayo halka uu mustaqbalkiisa ku danbeyn doono, laakin anagoo dhan ayaa dooneyna in kooxda uu sii joogo” sidaasi waxaa yiri Verratti.
Lama Oga ilaa iyo iminka halka uu ku danbeyn doono mustaqbalka Ibrahimovic.