Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Arsene Wenger Qorshaheena Xili Ciyaareedkan Aan Ka Damacsanahay Horyaalka Waa Sidan!!

$
0
0

Arsene Wenger Macalinka kooxda reer England ee Arsenal ayaa waxaa uu xusey in xiddigaha kooxdiisa ay awood buuxda u leeyihiin in ay horyaalka ingriiska guulo wanaagsan gaarsiiyaan xili ciyaareedka soo socda.

Kooxda Arsenal ayaa waxaa ay kamid tahay kooxaha looga cabsi qabo in xagaagan ay ku guuleystaan horyaalka ingriiska marka lo eego awoodeeda iminka muuqata.

Haddaba Macalin Wenger ayaa sheegey in xiddigihiisa kooxda uu kalsooni weyn ku qabo isla markaana uu ku kalsoonyahay in ay kula guuleysan doonan horyaalka iyo koobab kaleba.

” Xiddigaha aan heysano ee kooxda noo jooga waa kuwo aad iyo aad u tayo wanaagsan waxaan ku kalsoonahay in ay guulo wanaagsan kooxda gaarsiin karayaan xili ciyaareedkan, kulanka bilowgana waxaa uu noo noqon doonaa mid aan guul ku bilaabi doono, markaan wajahno west Han United” sidaasi waxaa yiri macalin Wenger.

Arsenal aya xili ciyaareedkii hore waxaa ay kala horeynta horyaalka ingriiska ku dhameysatey booska seddexaad iyadoo ka hooseysey labadda kooxood ee kala Chelsea oo horyaalka qaadey iyo Manchester City.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles