Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all 1718 articles
Browse latest View live

Kadib Raheem Sterling,wax ka ogow 10-ka xiddig ee ugu qaalisanaa Taariiqda Premier league

$
0
0

article-3161486-2A886B3800000578-412_308x267

Man City ayaa maalintii shalay la soo wareegtay ciyaaryahanka Liverpool  Raheem Sterling.

Man City ayaa ka dhigtay xiddigan ciyaaryahankii ugu horeeyay taariiqda England ee lacagaha ugu badan lagu soo iibsado kadib £49milyan oo ay ku qarashgareeyeen.

Raheem Sterling ayaa booska seddexaad ka soo galay liiska xiddigaha ugu qaalisanaa horyaalka Premier league ee lacagaha ugu badan lagu soo iibsado waxaana hogaanka haya Di Maria,waxaana xiga Torres.

Liiska 10-ka xidig ugu qaalisan Premier league taariiqda

  1. Angel di Maria (Man United) £60m
  2. Fernando Torres (Chelsea) £50m
  3. RAHEEM STERLING (Man City) £49m
  4. Mesut Ozil (Arsenal) £42.5m
  5. Sergio Aguero (Man City) £38m
  6. Juan Mata (Man United) £37m
  7. Andy Carroll (Liverpool) £35m
  8. Alexis Sanchez (Arsenal) £35m
  9. Fernandino (Man City) £34m
  10. Robinho (Man City) £32.5m

 


Olivier Giroud oo balanqaaday xagaagan Goolal badan si ay Premier league u hantaan

$
0
0

article-3161995-2A8BD16100000578-949_636x428

Olivier Giroud ayaa ku raja weyn xili ciyaareedka cusub inuu ka dhaliyo Premier league 15 ilaa 20 gool si ay ugu caawiso kooxdiisa iney ku guuleysato horyaalka.

58 gool ayuu Arsenal u dhaliyay tan iyo 2012-kii oo uu kaga soo biiray Montpellier 105 kulan uu ciyaaray.

28 jirkan ayaa doonaya inuu tartan la galo xagaaga soo socda weeraryahanada ay isku kooxda yihiin ee Danny Welbeck, Alexis Sanchez iyo Theo Walcott.

“waxaan rabaa inaan dhaliyo goolal ka badan sanadkii hore,aad ayey u wanaagsan tahay ugu yaraan 15 ilaa 20 gool inaan dhaliyo,rikoorkeyga goolasha ugu fiican Premier league waa 16 gool,waxaan rabaa inaan jibiyo ayuu yiri.

Olivier Giroud ayaa sheegay sanadkan iney doonayaan koobab iney soo xareeyaan.

Arsenal ayaa ku sugan haatan Singapore waxaana ay qeyb ka tahay tartanka Barclays Asia Trophy.

Liverpool oo Marco Reus ku dooneysa lacagaha ay ka heshay iibka Raheem Sterling

$
0
0

borussia-dortmund-marco-reus

Liverpool ayaa dooneysa lacagaha ay ka heshay iibka Raheem Sterling iney ku soo iibsato ciyaaryahanka qadka dhexe ee kooxda Borussia Dortmund  Marco Reus.

Reds ayaa Sterling ugu iibisay Man City lacago dhan £49milyan.

Inkastoo Marco Reus uu u saxiixa dhawaan heshiis cusub kooxdiisa balse Borussia Dortmund   ayaa diyaar u ah iney iibiso hadii ay lacago fiican ku helayaan

Metro ayaa qortay Liverpool bartilmaameed weyn inuu u yaha haatan Reus oo 59 gool dhaliyay 121 kulan uu u saftay tartamada oo dhan Dortmund.

Arsenal oo goordhow la ciyaareysa xiddigaha Singapore Select XI+sawiro

$
0
0

2A8ABA1400000578-3161995-_From_left_Nacho_Monreal_Jon_Toral_Hector_Bellerin_and_Mathieu_D-a-8_1436950426411

Sawiradan waa tababarka maanta oo Arbaco ah  ay ku sameyneyso Arsenal magaalada Singapore.

Arsenal ayaa halkaas u joogta ka qeybgalka tartanka Barclays Asia .

3:30 galabnimo ee maanta Arsenal waxaa ay  la ciyaareysaa kooxda iskudhafka ah  ee Singapore Select XI.

Marka laga reebo Sanchez Arsenal ayaa u heysata kulankan xiddigaheeda Calum Chambers, Mikel Arteta, Theo Walcott, Olivier Giroud, Santi Cazorla , Aaron Ramsey iyo kuwa kale.

Kieran Gibbs works up a sweat during the training session as the players attempt to adapt to the humidity
Chambers, formerly of Southampton, tries to cool himself down by pouring water over his head after training 
(From left) Nacho Monreal, Jon Toral, Hector Bellerin and Mathieu Debuchy chat during the training session
Theo Walcott and his team-mates were given wet towels by the Arsenal coaching staff in an attempt to cool down their body temperatures
Arsene Wenger is preparing his side to take on the Singapore Select XI as part of the Barclays Asia Trophy

 

Xiddigaha Liverpool oo maanta ka dagay dalka Australia+sawiro

$
0
0

article-3161923-2A8B0C9B00000578-209_636x287

Xiddigaha Liverpool ayaa maanta oo Arbaca ah ka dagay dalka Australia halkaas oo ay ciyaar saaxibtinimo kula balansan tahay kooxda Brisbane Roar.

Liverpool oo sanadkan dooneysa isbadal la rumeysan karo ayaa waxaa ay 4-0 ugu soo badiyeen shalay xiddigaha Thai All-Stars.

Maalinta Jimcaha ayey Liverpool Australia kula ciyaareysaa kooxda Brisbane Roar.

Divock Origi ayaa shalay dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay Liverpool..

Jordan Henderson (left) and Brendan Rodgers lead the Liverpool squad out of Brisbane airport
Adam Lallana and new signing Danny Ings shortly followed as Liverpool touched down in Australia

Raheem Sterling oo u duulay dalka Australia si uu ugula biiro saaxibadiisa Man City

$
0
0

2A8B6BDD00000578-0-image-a-30_1436950002320

Raheem Sterling ayaa u ambabaxay maanta dalka Australia si uu halkaas ugula biiro saaxibadiisa Cusub ee Man City oo maalmo ku sugan dalkaas.

Saakay ayuu xiddiga kasoo baxay garoonka diyaaradaha magaalada Manchester.

City ayaa shalay xaqiijisay la soo wareegida Raheem Sterling oo Liverpool ay kasiiyeen £49million.

20 jirkana ayaa la rajeynayaa kulankiisa ugu horeeya inuu ciyaaro 18-ka bishan oo ku beegan Sabtida markaas oo ay la ciyaarayaan kooxda Melbourne City oo mataan la ah Man City maadaama uu Shaikh Mansour leeyahay.

Kulamada kale

Manchester City vs Roma – Tuesday July 21, Melbourne Cricket Ground, Melbourne

Manchester City vs Real Madrid, Friday July 24, Melbourne Cricket Ground, Melbourne

Sterling sung the praises of his much-maligned agent after completing his move to Manchester City

Raheem Sterling arrives at Manchester Airport on Wednesday
The new Manchester City signing is jetting off to Australia to join team-mates

Maanta iyo sawirada tababarka kooxda Real Madrid

$
0
0

article-3162138-2A8C3D8000000578-208_636x450

Sawirada maanta kooxda Spain ee Real Madrid ay ku sameysay Australia ayaan halkan idinkugu soo gudbineynaa.

Real Madrid ayaa u diyaargaroobeysa koobka Mareykanka ka dhacaya ee International Champions Cup.

Kooxda Spain ayaa dalka Australia kula ciyaareysa kooxaha Roma iyo Manchester City.

Kadib Real Madrid waxaa ay u duuleysaa China halkaas oo AC Milan iyo Inter Milan ay kula ciyaarayaan.

Ramos,Ronaldo,Bale,Benzema ,Kroos iyo dhamaan xiddigaha kooxda ayaa ku sugan Australia.

Sergio Ramos trains alongside Nacho as the Real Madrid players prepare for first pre-season fixture against Roma
Ramos is at the centre of a transfer tussle with the player keen to leave Real Madrid for Manchester United this summer
Spain defender Ramos closes down Real Madrid midfielder Luka Modric as the squad trained together on Wednesday
Experienced defender Ramos, who is line to take the captain's armband, slides in to challenge teenager Martin Odegaard
Portugal international Cristiano Ronaldo rolls his shorts up as he gets down to pre-season training on Wednesday 
But Ronaldo opted for trousers during the second session later in the day as the temperatures plummeted in Melbourne
Excited supporters hand Ronaldo items of clothing for the Real Madrid star to sign as he arrives at the training ground
Gareth Bale, Luka Modric and Asier Illaremndi take a turn on the exercise bikes as Real prepare for the Roma match this Saturday
New manager Rafa Benitez issues instructions to Bale and striker Karim Benzema as he looks to make his mark on the star-studded squad
Bale, who endured a frustrating campaign last season, carries the ball forward during a practice match on Wednesday
France international Benzema is out through his paces alongside left back Marcelo as the player bid to reach maximum fitness

Victor Valdes oo lagu wargeliyey inuu ka koox raadsado kuna tashan inuu goolka ugalo Manchester United

$
0
0

Victor Valdes ayaanan sii ahaan doonin garoonka Old Trafford ka dib markii tababarihiisa uu hadal tababarka kusaabsan ka diiday taasina ay keentay in laga reebo safarka Mareykanka maadaama uu amar diido kusameeyey Tababare Louis Van Gaal.

Manchester United goolhayaheeda Victor Valdes ayaa u muuqda mid albaabada loo balaqay kuna qasban yahay inuu isaga huleelo kooxda waxaana uu Red Devils tababaraheeda Louis van Gaal cadeeyey in falsafada uu kooxda ku hagayo uu kasoo horjeestay.

Van Gaal ayaa cadeeyey in falsafadiisa uu kasoo horjeestay intii yareyd uu ka tirsan yahay kooxda United wuxuuna xilli ciyaareedkii dhamaaday ka diiday in kooxda 2-aad uu tababarka la qaato isla markaana u ciyaaro taasoo ka caraysiisay Louis Sida uu haatan u cadeeyey wariyeyaasha.

Manchester United ayaa diyaar u ah ineey iska iibiso Victor Valdes ka dib markii Louis van Gaal uu iska reebay tababarka ay magaalada Seattle ku qaadanayso kooxdiisa.

33-jirkaan ayaa ka haray safarada USA ay ku marayso kooxda United wuxuuna baaqi ku ahaa xerada tababarka Carrington maalmaha Talaadada iyo Arbacada, Waxaana goolhayahaan aad u danaynaya kooxda reer Turkey iyo kooxda Valencia.

Manchester United ayaa suurtagal ah ineey goolhayehaan ku badalato Goolhaye Sergio Romero oo u dhashay dalka Argentina oo wacdaro ka dhigay Copa America.

Valdes ayaa Manchester United ku biiray Janaayadii lasoo dhaafay isagoo Barcelona kasoo tagay 2014-kii.

valdex Valdez7 Valdez6 Valdez5 Valdez4 Valdez3 Valdez2 Valdez1 Valdez


WARBIXIN XIISO LEH: Real Madrid oo doonaysa ineey Sergio Ramos xasiliso David de Gea-na raqiis ku hesho

$
0
0

DE GEA
Manchester United ayaa dalab kale u dirtay Real Madrid kaasoo ay  £35milyan siisanayso Sergio Ramos, waxayna fariin adag u daba dhigtay dalabkaasi waxayna ku tiri “Waa inaad aqbashaan dalabkaasi hadii aad soo diidaana iska ilooba inaad la saxiixataan De Gea.

Madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez ayaa doonaya inuu Sergio Ramos ku qanciyo inuu sii joogo Bernabeu, halka De Gea uu ka doonayo inuu 12 bilood ka dib si bilaash ah ku helo.

Shabakada Starsport ayaa qabta hadii Real ay aqbasho dalabka United markaa ay Man United ku sii deyn doonto De Gea aduun dhan £25milyan waana sida ugu dhaw ay labadaani koox xiriirkooda kusii jiri karo.

Saxaafada Spain ayaa aaminsan in De Gea iyo Real Madrid ay wada gaareen heshiis gaar ah taasoo loogu balan qaaday hadii beeca xorta ah uu ugu yimaado gacanta loo galin doono  £3.5milyan oo mushaarkiisa ka banaanka ah.

De Gea ayaanan u muuqan inuu heshiis dheer usaxiixayo kooxda Manchester United taasoo keeni karta in riyada madaxweynaha Real ay u rumoowdo.

Perez ayaa aaminsan kuna kalsoon in De Gea uu beeca xorta ah ku heli karo iyadoo ay dhici karto in bisha Janaayo ay United heshiisyo la gaarto kooxo kale ee soo dalbada balse ciyaaryahanka ayaa wadnahiisa ah inuu noqdo goolhaye Real Madrid ah.

Agaasimaha Man United Ed Woodward ayaa aaminsan in Real ay doonayso £45m in Ramos laga siisto balse qarashkaasi ayuu ku sheegay ineey tahay mid caqliga ka baxsan.

Tababare Louis van Gaal ayaa agaasimahaan ku cadaadinaya inuu Ramos soo xero galiyo kana dhigto saxiixiisa afaraad ee kooxda keeno, laakin xaalka ayaa u eg mid uu Ramos ku guuldaraysan doono De Gea-na uu weyn doono xagaaga danbe.

War dhamaaday: Manchester United oo ku garaacday Liverpool saxiixa Christian Benteke

$
0
0

Benteke
Ciyaaryahanka reer Belgian iyo kooxda Aston Villa Chritian Benteke ayaa u dhaqaaqi doona Old Trafford maalmaha fooda inaga soo haysa sidaasi waxaanu kasoo xiganay oo xaqiijisay majalada ugu afka dheer dalka Ingiriiska ee The Sun.

The Sun oo sii hadashay ayaa tiri Louis van Gaal wuxuu diyaar u yahay inuu ku shaneeysto saxiixa weeraryahankan isagoo diyaar la ah inuu Benteke ku helo £32.5milyan oo kooxdiisa ay madaxiisa dul dhigtay.

Liverpool oo si weyn u doondooneysay Benteke ayaa dhanka kale muujin ineey qarashka intaasi le eg ku bixiso waxaana ay The Sun cadeynaysaa in kooxda cadawgeeda ah ee Manchester United diyaar la tahay qarashyada ku baxaya Benteke.

Van Gaal ayaa afar saxixi sameeyey sida Memphis Depay, Matteo Darmian, Bastian Schweinsteiger iyo Morgan Schneiderlin waxaana uu kooxda kuwadaa dhisme weyn uu doonayo inuu Champion-ka kaga qeyb galo, waxaa u harsan oo muhiim u ah inuu keeno kooxda hal difaac iyo hal weerar.

Musharaxiinta difaaca ayuu Van Gaal rabaa inuu keeno midkood Sergio Ramos iyo Nicolas Otamendi, halka Benteke, Edinson Cavani iyo Robert Lewandowski uu mid ku towfiiqsan doono booska banaan ee weerarka.

Laakin The Sun ayaa qabta in Benteke uu jagadaasi ka banaan Manchester United inuu buuxin karo kuna dhaw yahay in heshiis rasmi ah laga gaaro.

Arsenal oo aan dhab ka ahayn doonista Higuain waxaa inoo cadeynaya wakiilka ciyaaryahanka

$
0
0

Higuain
Waxaa socda warar ay jaraa’idyada ka qorayaan kooxda Arsenal iyo ciyaaryahanka reer Napoli Gonzalo Higuain, hadaba wararkaasi maxaa ka run ah?

Arsenal ayaanan wax qiimo ah ugaarin Gonzalo Higuain waxaa sidaasi cadeeyey walaalka la dhashay ciyaaryahankan oo wakiil u ah kaaso lagu magacaabo Nicolas.

The Gunners ayaa laga doonayaa hadiiba ay doonayso gool dhaliyahaan  £43.3 milyan, waxaana sidoo kale doonaya kooxaha Chelsea iyo Manchester United.

“Ma jirto koox nala soo xiriirtay oo weydiisatay Higuain “Nicolas ayaa sidaasi u sheegay Radio Crc. Ma garanayo hadii madaxweyneha Napoli Aurelia De Laurentiis loo soo bandhigay heshiis aan aniga ogeyn maxaa yeelay madaxweynaha ayaan kamaqlay inuu waqti dheer la joogi dono kooxda, hadii ay wax jiraana wuu ii yeeri lahaa” ayuu leeyahay wakiilka Higuain.

 

Wakiilkaan ayaa ka jawaabay su’aal ahayd in Higuain uu heshiis gaar ah la gaaray Arsenal wuxuuna gaashaanka ku dhuftay ineeysan jirin wax heshiis ah oo ay koox la gaareen.

 

Louis Van Gaal “Di Maria iska iloow inaad u dhaqaaqdo PSG”

$
0
0

Louis van Gaal ayaa ku kaftamay in Di Maria uu iska iloobo u dhaqaaqida Paris Saint Germain, laakin wuxuu qiray tababarahaani inuusan xaqiijin karin inuu sii joogayo Old Trafford.

Angel Di Maria ayaa lala xiriirinayaa kooxda PSG oo si weyn u doonaysa laakin Louis ayaa cadeeyey ineey macquul tahay in Manchester United hadii loo soo bandhigo lacago u cuntama in la iibin karo balse aysan u muuqan mid suuragali karta.

Tababare Louis van Gaal oo ka hadlay go’aankiisa wuxuu sheegay inuusan doonayn inuu Di Maria ka diro kooxda uuna doonayo inuu sii joogo kooxdiisa.

Louis van Gaal ayaa u sheegay Angel di Maria inuu doonayo inuu kooxda Manchester United sii joogo, Di Maria iyo xaaskiisa ayaanan ku faraxsanayn sii joogista Manchester kumana faraxsana nolosha England.

Tababaraha Old Trafford ayaa shir jaraa’id uu maanta USA ku qabtay ayaa yiri hadii Di Maria uu kudhibtooday Premier Leageha inuu u ogolaan doono ciyaaryahanka inuu baxo hadii Manchester ay hesho dalab rasmi ah oo ay aqbali karto.

Waan arki doonaa hadii uu joogayo Di Maria iyo Hadii uu baxayo kubadda cagta waa hawl baacad weyn oo is bad badal badan Manchester United iyo Di Maria waan arki doona ugu danbeyn halka ay ku danbeyso ayuu leeyahay Van Gaal shirkiisa jaraa’id.

Laakin ogsoonaada isaga waa ciyaaryahan reer Manchester United ah wuxuuna ii sheegay inuu 25 bishaan uu nagu soo biiri doono. Van Gaal iyo Di Maria oo qadka teloofoonka kuwada hadlay ayaa Di Maria waxa uu sheegay inuu sii joogi doono Premier League-ha ugu yaraan sannad kale.

Van Gaal ayaa aaminsan in Di Maria uu samayn doono horumar hadii uu sii joogo United wuxuuna la qabsan doonoaa nolosha England.

Di Maria ayaa lagu soo iibsaday lacagtii ugu badnayd abid ee dalka Ingiriiska ciyaaryahan lagu soo iibsado su’aashu waxay tahay kooxda carbeed ee PSG ma quuri doontaa ugu yaraan lacagtii laga soo baxshay mise United wey raqiis gadi doontaa maadaama uu ku guuldareystay inu la qabsado horyaalka ugu adag aduunka ee PL.

Gaal gaal5 gaal4 gaal3 gaal2 gaal1

Wargeysyada iyo waxyaabihii ay ka qoreen Suuqa kala iibsiga ciyaartooyda

$
0
0

Ramadana kariin dhamaan aqristeyaasheena sharafta badan kuna soo dhawaada waxyaabaha ay wargeysyada ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.

***Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa goolhayaha madaxa banaan ee heshiiskiisu dhacay ee kooxda Samdoria kasoo tagay ee Romero oo u dhashay dalka Argentina.

Real Madrid ayaa doonaysa ineey ku garaacdo goolhayahaan kooxaha Roma iyo Manchester United oo si wadajir ah uwada doonaya sidaasina waxaa qortay Daily Mail.

***Louis van Gaal ayaa albaabada u furay Di Maria oo doonaya inuu ku biiro kooxda PSG, laakin Van Gaal ayaa doonaya inuu kaga soo badasho Edinson Cavani oo weerarka ugu ciyaara PSG. Sidaasi waxaa qortay The Guardian.

***Tottenham ayaa wadahadal la furtay kooxda Sevilla iyadoo ka doonaysa ineey £11 million kula wareegto Roberto Soldado. Sidaasi waxaa qortay Daily Mirror.

Tottenham ayaa ku doonaysa  £26 million taasoo ay ka cagajiidayso kooxda Sevilla.

***Manchester United ayaa dalabkii ugu danbeeyey u dirtay Real Madrid taasoo ay ku doonayso ineey kula soo wareegto Sergio Ramos.

Laakin Madrid ayaa u muuqata ineey Ramos ku qanciso inuu sii joogo kooxdiisa isla markaana De Gea ay sugi doonto 12 bilood oo heshiiskisa ka harsan. Sidaasi waxaa qortay Daily Mirror.

***Kooxda PSG ayaa gaashaanka u daruurtay ineey ciyaaryahankeeda weerarka ka ciyaara ee Edinson Cavani ku badalanayso garabka Man United Angel Di Maria.

Di maria waanu donaynaa laakin micnaheeda maahan inaan ku badalano Cavani sidaasi waxaa lagu soo qoray Daily Star.

***Arsenal iyo Liverpool ninka ay sida weyn uwada doonayaan ee Alexandre Lacazette ayaa la soo warinayaa in la dul dhigay madaxiisa 35 milyan oo bound.

Lyon madaxweynahooda Jean Michel Aulas ayaanan kufasaxi doonin gool dhaliyahooda Alexandre Lacazette beec raqiis ah oo ka yar £35million. Sidasi waxaa qortay Daily Mail.

***Ugu danbeyntii kooxda Southampton ayaa heshay ciyaaryahanka qadka dhexe ee Feynoord Jordy Clasie kaasoo ay 10.5 oo bound ay kusoo badasheen.

Southampton ayaa si dhaqsi leh u heshay badalka Morgan Schneiderlin kaasoo ay kasoo baxsadeen £10.5million. Sidaasi waxaa qortay Daily Mail.

Bastian Schweinsteiger oo u sheegay Man United inuusan koob la’aan ka yeeleynin

$
0
0

bastian-schweinsteiger-manchester-united_tl4dj2bhxv2pzmdssh19bvk2

Bastian Schweinsteiger ayaa sheegay sababta uu ugu soo biiray Manchester United iney tahay inuu koobab kula guuleyso.

17 sano kadib ayuu ka soo tagay xiddigan Bayern Munich waxaana uu £12 million ugu soo wareegay kooxda England.

Waayihiisa Germany Bastian Schweinsteiger ayaa ku soo guuleystay siddeed horyaal oo Bundesliga,7 koob oo DFB Pokals iyo Champions league halka dalkiisa uu la qaaday koobka Adduunka 2014.

Intaas oo dhan isagoo qaaday Bastian Schweinsteiger waxaa uu leeyahay baahi koob ayaa I heysa.

‘waan ku faraxsanahay inaan u ciyaaro Man United,wa talaabo cusub oo nolasheyda ,waxaan rabaa inaan koobab ky guuleysto taas waa u jeedadeyda ayuu yiro 30 jirkan.

Madrid oo xaqiijisay iney la soo wareegtay gool dhaliye Jackson Martinez

$
0
0

jackson-martinez-porto

Kooxda Spain ee Atletico Madrid ayaa si rasmii u xaqiijisay iney la soo wareegeen weeraryahanka Porto Jackson Martinez.

Gool dhaliyahan oo Milan ay ku dhawaatay iney la wareegto ayaa €35milyan ugu dhaqaaqay kooxda Spain.

Atletico ayaa websetkeeda ku shaacisay qoraalka ku dhawaaqista saxiixa weeraryahanka.

Martinez ayaa ku guuleysanayay seddexdii sano ee la soo dhaafay gool dhalinta horyaalka Portugal waxaana uu dhaliyay 32 gool 42 kulan uu saftay xagaagii hore.


Forbes oo shaacisay 50-ka koox ee ugu taajirsan Adduunka ,Real Madrid oo hogaamineysa

$
0
0

2A8C5DC900000578-3162779-image-m-26_1436989075537

Majalada Ka faaloota Arimaha dhaqaalaha kooxaha  ee Forbes ayaa soo saartay Liiska kooxaha ugu taajirsan kubada cagta  xiliga.

Real Madrid ayaa difaacaneysa sanadkii seddexaad booska koowaad ee kooxda ugu dhaqaalaha  badan,Barcelona ayaa labaad soo gaashay halka seddexaad ay dhameystirtay Man United.

Liiska 20-ka koox ee kubada cagta ugu taajirsan haatan.

1.Real Madrid €2.87 bilyan yuro

  1. Barcelona €2.7 Bilyan yuro
  2. Manchester United €2.73 Bilyan yuro
  3. Bayern Munich €2.07 Bilyan Yuro
  4. Manchester City €1.21 Bilyan Yuro
  5. Chelsea €1.20 Bilyan Yuro
  6. Arsenal €1.15 Bilyan Yuro
  7. Liverpool €866 Milyan Yuro
  8. Juventus €738 Milyan Yuro
  9. Milan €683 Milyan Yuro
  10. Borussia Dortmund €617 Milyan Yuro
  11. Paris Saint-Germain €559 Milyan Yuro
  12. Tottenham €529 Milyan yuro
  13. Schalke €504 Milyan yuro
  14. Inter €387 Milyan yuro
  15. Atletico Madrid €384 Milyan Yuro
  16. Napoli €311 Milyan yuro
  17. Newcastle United €308 Milyan Yuro
  18. West Ham United €272 Milyan Yuro
  19. Galatasaray €259 Milyan yuro

Laakiin marka laga hadlayo kooxaha ciyaaraha oo dhan Adduunka ugu taajirsan kooxo badan ayaa boos weynaya laakiin marwaliba Real Madrid waa lambar kow.

Halkan ka eeg 49 koox oo ugu taajirsan Adduunka iyo lacagaheeda

Dallas Cowboys, at £2,047m, are the world's second most valuable sports team according to the magazine

1. Real Madrid (Club members) £2,087m ($3,263million)

2. Dallas Cowboys (Jerry Jones) £2,047m ($3,200m)

2. New York Yankees (Steinbrenner family) £2,047m ($3,200m)

4. Barcelona (Club members) £2,023m ($3,163m)

5. Manchester United (Glazer family) £1,985m ($3,104m)

6. Los Angeles Lakers (Jerry Buss Family Trusts, Philip Anschutz) £1,663m ($2,600m)

6. New England Patriots (Robert Kraft) £1,663m ($2,600m)

8. New York Knicks (Madison Square Garden Company) £1,599m ($2,500m)

9. Los Angeles Dodgers (Guggenheim Baseball Management) £1,535m ($2,400m)

9. Washington Redskins (Daniel Snyder) £1,535m ($2,400m)

11. Bayern Munich (Club members) £1,502m ($2,347m)

12. Boston Red Sox (John Henry, Thomas Werner) £1,343m ($2,100m)

12. New York Giants (John Mara, Steven Tisch) £1,343m ($2,100m)

14. Chicago Bulls (Jerry Reinsdorf) £1,279m ($2,000m)

14. San Francisco Giants (Charles Johnson) £1,279m ($2,000m)

16. Houston Texans (Robert McNair) £1,183m ($1,850m)

17. Chicago Cubs (Ricketts Family) £1,151m ($1,800m)

17. New York Jets (Robert Wood Johnson IV) £1,151m ($1,800m)

19. Philadelphia Eagles (Jeffrey Lurie) £1,119m ($1,750m)

20. Boston Celtics (Wycliffe & Irving Grousbeck, Robert Epstein, Stephen Pagliuca) £1,087m ($1,700m)

20. Chicago Bears (McCaskey family) £1,087m ($1,700m)

22. Los Angeles Clippers (Steve Ballmer) £1,023m ($1,600m)

22. San Francisco 49ers (John & Denise DeBartolo York) £1,023m ($1,600m)

24. Baltimore Ravens (Stephen Bisciotti) £959m ($1,500m)

24. Brooklyn Nets (Mikhail Prokhorov, Bruce Ratner) £959m ($1,500m)

26. Denver Broncos (Pat Bowlen Trust) £927m ($1,450m)

27. Indianapolis Colts (James Irsay) £895m ($1,400m)

27. St Louis Cardinals (William DeWitt Jr) £895m ($1,400m)

29. Green Bay Packers (Shareholder-owned) £879m ($1,375m)

29. Manchester City (Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan) £879m ($1,375m)

31. Chelsea (Roman Abramovich) £876m ($1,370m)

32. Ferrari (Fiat Group) £863m ($1,350m)

32. New York Mets (Fred & Jeff Wilpon, Saul Katz) £863m ($1,350m)

32. Pittsburgh Steelers (Daniel Rooney, Art Rooney II) £863m ($1,350m)

35. Seattle Seahawks (Paul Allen) £851m ($1,330m)

36. Arsenal (Stanley Kroenke) £836 ($1,307m)

37. Golden State Warriors (Joe Lacob, Peter Guber) £831m ($1,300m)

37. Los Angeles Angels of Anaheim (Arturo Moreno) £831m ($1,300m)

37. Miami Dolphins (Stephen Ross) £831m ($1,300m)

37. Toronto Maple Leafs (Bell Canada, Rogers Communications) £831m ($1,300m)

41. Washington Nationals (Lerner Family) £819m ($1,280m)

42. Carolina Panthers (Jerry Richardson, Carolina PSLFC) £799m ($1,250m)

42. Houston Rockets (Leslie Alexander) £799m ($1,250m)

42. Philadelphia Phillies (Partnership led by Pat Gillick) £799m ($1,250m)

45. Tampa Bay Buccaneers (Glazer Family) £783m ($1,225m)

46. Texas Rangers (Ray Davis, Bob Davis) £780m ($1,220m)

47. Miami Heat (Micky Arison) £752m ($1,175m)

48. Tennessee Titans (Adams Family) £742m ($1,160m)

49. Atlanta Braves (Liberty Media) £736m ($1,150m)

49. Dallas Mavericks (Mark Cuban) £736m ($1,150m)

49. Minnesota Vikings (Zygmunt Wilf) £736m ($1,150m)

 

Jack Wilshere”Chelsea sanadkan koox ahaan kama wanaagsana Arsenal

$
0
0

jack-wilshere

Chelsea walee waraa u yaala sanadkan oo waxaa ay noqotay koox farta lagu wada fiiqo.

Xiddiga qadka dhexe Arsenal Jack Wilshere ayaa ku doodaya Arsenal sanadkan iney saf ciyaaryahano cajiib ah kuwaas oo horyaalka Premier league kula tartami kara kooxda Chelsea.

Gunners ayaa xagaagii hore ku dhameysatay kaalinta seddexaad waxaana 12 dhibcood ay ka dambeeyeen Chelsea oo horyaalka hanatay.

“tartanka waa wax weyn,fiiri kooxaha sanadihii hore horyaalka ku guuleystay,eeg Chelsea sanadkii hore waxaa ay heysteen saf ciyaaryahano muhiim ah,waxaan dareensanahay aniga inaan heysano safkaas waan la tartami karnaa ayuu Wilshere u sheegay Daily Star.

Wilshere ayaa dhaliyay gool kulaad ciyaartii 4-0 ay ugu badiyeen shalay  Singapore Select XI koobka Barclays Asia Trophy.

Xiddigii hore Adduunka Kaka oo gool Cajiib ah ka dhaliyay West Brom

$
0
0

2A927FEA00000578-3163190-image-m-10_1437024566010

Xiddigii hore Adduunka ee kooxaha AC Milan iyo Real Madrid Kaka ayaa guuldaro ku riday kooxda England ee West Brom.

Orlando City oo uu kamid yahay Kaka ayaa West Brom 3-1 ugu adkaatay.

14 daqiiqo gool uu u dhaliyay West Brom Callum McManaman ayaa waxaa gool cajiib ah ugu bar bareeyay kahor qeybta hore Kaka.

Kadib Kaka kooxdiisa ayaa keensatay Labo gool oo kale.

West Brom fans watch their side suffer defeat in the first match of their pre-season tour
Orlando City's Harrison Heath suffered a bad knee injury during the friendly and was taken off

Sawirada Xiddigaha Jose Mourinho ee Chelsea oo ka dagay dalka Canada

$
0
0

article-3162432-2A93695800000578-149_636x414

Xiddigaha Jose Mourinho ee Chelsea ayaa ka dagay Arbacadii Shalay dalka Canada waxaana kooxda Premier league hanatay halkaas ay ku sameyneysaa ciyaaro saaxibtinimo.

Chelsea ayaa ciyaareysa seddex kulan oo koobka International Champions Cup waxaana ay wajaheysaa kooxaha New York Red Bulls, Paris Saint-Germain iyo Barcelona.

Xiddigo muhiim ayaa kamid ahaa safarka Chelsea ee Canada sida Eden Hazard, Cesc Fabregas iyo Diego Costa

Sidoo kale xiddigaha Coppa America ugu maqnaa ee Juan Cuadrado, Willian, Filipe Luis iyo saxiixa cusub ee Radamel Falcao ayaa ku soo biiraya kooxda July 22 .

Cesc Fabregas pictured arriving in Canada as Chelsea got their pre-season tour going on Wednesday
Manager Jose Mourinho and his Chelsea squad touched down in Canada on Wednesday night
The travelling Chelsea squad posed for a photograph before flying to Montreal ahead of their pre-season tour
Blues defender Branislav Ivanovic was sporting a thick beard and shaved head as he boarded the plane
John Obi Mikel's future at Chelsea has been in doubt, but the Nigerian travelled to Montreal with the team
Victor Moses, who spent last season on loan at Stoke, will be hoping to impress during the trip
Nemanja Matic climbs the stairs to the plane as the Chelsea squad left Gatwick airport on Wednesday

 

Arda Turan iyo Alex Vidal oo tababarkii ugu horeeyay la sameeyay Barcelona+sawiro

$
0
0

2A8F97C200000578-3162799-image-a-33_1436984555098

Barcelona oo sanadkii hore ku guuleysataya seddex koob ayaa dib ugu soo laabatay tababarka diyaargarowga xili ciyaareedka Cusub.

Saxiixyada Cusub kooxda Arda Turan iyo Alex Vidal ayaa ka qeyb qaatay laakiin ma ciyaari doonaan ilaa 2016 bisha January.

Gerard Pique, Jordi Alba, Sergio Busquets, Marc Bartra ,Ivan Rakitic,Pedro iyo Suarez ayaa ka qeybgalay.

Laakiin Barcelona ayaan heysan xiddigaha Coppa America ciyaaray ee Lionel Messi , Dani Alves, Neymar, Javier Mascherano iyo Claudio Bravo oo la siiyay fasax dheeri ah.

Barcelona ayaa ku ciyaareysa dalal ay kamid yihiin Mareykanka oo ay ku wajaheyso kooxaha  England ee Chelsea iyo Man United.

Several Barcelona first-team players, including Gerard Pique (right), returned to training on Wednesday
Uruguay striker Luis Suarez, who scored 25 goals for Barcelona last season, takes a break from training
Spanish winger Pedro, a reported target of Chelsea, sprints during his first pre-season session of the year
Viewing all 1718 articles
Browse latest View live