Ramadaan kariim dhamaan ummada muslimiinta meel walboo aad dunida ka joogtaan waan ku faraxsanahay inaad aqridaan maqaalkaan aan idiinkaga soo uruurinay wargeysyada ku mashquulsan arrimaha suuqa kala iibsiga ciyaartooyda.
Aan ugu horeyno:
***Kooxda Liverpool ayaa wali xusul duub ugu jirta sideey Christian Benteke ugu qancin lahayd inuu usoo dhaqaaqo kooxdooda, waxaase ku dhagan Aston Villa oo doonaysa ineey ku hesho aduun dhan £32 million taasoo ay Liverpool ka dhaga adeegayso .
Liverpool oo lacago badan ku heshay Raheem Sterling ayaa rajaynaysa ineey kaga guuleysatay cadowgeeda Manchester United oo lafteeda doonaysa ineey ku badalato van Persie oo kooxda isaga tagay. Waxaa sidaasi qortay: Daily Mirror.
***Kooxda Manchester United ayaa doonaysa ineey dhinto beeca Angel Di Maria ee ugu fadhiyey £59.7 milyan, maadama uu la qabsan waayey horyaalka Premier Leageu-ha oo ku dhisan qaab xoog iyo boob ah.
Paris St-Germain ayaa diyaar la ah £42.8 million si ay ugu hesho 27-jirka dhaawaca wareeriyey iyadoo waliba Argentineeskaan uu ka niyad jabay nolosha dalka England iyo magaalada Manchester. Sidaasi waxaa qortay Le Parisien via Star.
***Arsenal ayaa dalab rasmi ah u dirtay kooxda Napoli si ay ugula soo wareegto Faouzi Ghoulam oo difaaca bidix ka ciyaara.
Arsenal ayaa u gudbisay Napoli dalab dhan £10milyan si ay ula soo wareegaan 24-jirkaan dadabka bidix ee difaaca ka ciyaara wuxuuna tababare Wenger doonayaa inuu la tartansiiyo Kieran Gibbs iyo Nacho Monreal sidaasi waxaa qortay Mediaset via Talksport.
***Kooxda Chelsea ayaa diyaar la ah ineey lasoo saxiixato ciyaaryahanka garabka weerarka ugu ciyaara kooxda Barcelona Pedro taasoo ay doonayso ineey ku garaacdo kooxaha Arsenal iyo Liverpool oo xusul duub ugu jira.
Pedro oo lagu heli karo £21.4 million ayay Chelsea diyaar la tahay, wararka ka imaanaya magaalada Spain-na waxay sheegayaan in Luis Enrique uusan celin doonin ciyaaryahankan hadii uu doonayo inuu isaga tago sidaasi waxaa qortay: Irish Times.
***Manchester United ayaa ku deg degaysa sidii ay dhaqso ula soo wareegi lahayd difaaca kooxda Valencia Nicolas Otamendi.
Nicolas Otamendi laftiisa ayaa laga hayaa inuu doonayo inuu u dhaqaaqo kooxda Manchester United oo si waali ah u doonaysa ciyaaryahankan. Sidaasi waxaa qoraty The Sun.
***Manchester ayaynu wali ku jirnaaye warar nux nux hoose ayaa qoraysa in goolhayaha xulka qaranka Argentina Sergio Romero uu kusoo fool leeyahay kooxdaani.
![]()
28-jirkaan ayaa lagu heli karaa beeca xorta ah isagoo ka soo dhaqaaqi doona kooxda Sampdoria waxaa sidaasi qortay Sky Sports Italia.
***Kooxda Manchester City oo soo afjartay saxiixa Sterling ayaa haatan ku talo jirta ineey soo xero galiso ciyaaryahan Kevin De Bruyne.
De Bruyne ayaa lagu heli karaa £40 million taaso ay Wolfsburg ay siisan doonto hadii miiska loo soo saaro sidaasi waxaa qortay Daily Mirror.
***Dhaliyaha kooxda Arsenal iyo xulka Costa Rica Joel Campel ayaa waxaa doonaya tababarihii hore ee kooxda Manchester United David Moyes oo haatan leyliya kooxda Real Sociedad ee dalka Spain.
David Moyes wuxuu ku doonayaa 23 jirkaan aduun dhan 6 Million oo bound inuu ku samirsiiyo kooxda Arsenal. Sidaasi waxaa qortay Mirror.