Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Ugu Danbeyn Wuu Ka Tagayaa: Rafeal Oo Manchester United Isaga Tagaya Kooxdisa Cusubna Maanta Tijaabada Caafimaad U Maraya (Kooxdee Buu Ku Biirayaa??).

$
0
0

Daafac dambeedka midig ee kooxda Manchester United wiilka reer Brazil ee lagu magacaabo Rafeal ayaa waxaa uu ku si dhowyahay in uu 12 Milyan oo ginni uu ugu dhaqaaqo kooxda Lyon ee reer France oo aad u dooneysa saxiixisa.

Macalinka kooxda Manchester United Louis Van Gaal ayaa waxaa uu xiddigan Rafeal uu u sheegey in uusan kamid aheyn dooqiisa xiddigaha uu doonayo in kooxda uu xili ciyaareedka danbe ku wajaho dagaalka lagu doonayo qaadista horyaalka ingriiska.

Haddaba arintan ayaa 25 jirkan reer Brazil waxaa ay ku qasabtey in uu doondoonto koox uu ka helayo boos joogta ah waxaana midaasi ay noqotey kooxda Lyon oo loo badinayo maanta in uu tijaabadda caafimaad uu u maro.

Wiilkan reer Brazil ayaa waxaa uu kamid yahay xiddigaha kooxda Manchester United mudada fog la joogey isagoona kooxda kowaad kamid ahaa mudo iminka dhan 7 sanadood.

Taageerayaal badan ayaa maclasaameyn xiddigan ugu muujiyey baraha xiriirka bulshadda oo ay ugu horeyso Twitterka.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles