Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Warbixin: Aamusnaanta Madrid Iyo Kalsooni Muujinta Manchester Oo Mustaqbalkii Mugdiga Ahaa Ee De Gea Muranka Ka Saartey!!!

$
0
0

Kooxda Manchester United ayaa waxaa ay ku dhegentahay isla markaana ay diidantahay in ay goolhayaheeda David De Gea ay iska iibiso isla markaana ay ka iibso kooxda Real Madrid oo ah kooxda aadka u dooneysa saxiixisa.

Real Madrid ayaa waxaa aad uga go’an in ay De Gea xagaagan soo qaadato iyadoo u aragta in wiilkan reer Spain uu yahay bedelka rasmiga ah ee goolhayahoodii Casilas oo ay Porto xagaagan ay kala wareegtey.

Haddaba kooxda Red Devils ayaa waxaa ay shaacisey in David De Gea uu kamid yahay xiddigaha xili ciyaareedka sabtida bilaabanaya ay dooneyso in ay kula guuleysato horyaalka, waxaana hadalkaasi laga dhadhansan karaa in xiddigan uu baaqi ku sii ahaan doono horyaalka ingriiska.

De Gea ayaa waxaa uu kamid yahay xddigaha weli kooxda baaqiga ku sii ah ee la qaadey Manchester United horyaalkeedi ugu danbeyey ee ay qaado kaa oo ahaa sanadkii 2012/2013.

Weli Kooxda Real Madrid hadal sax ah oo ku aadan saxiixa De Gea in ay ka quusatey iyo in ay rajo weli ka leedahay kala cadeynaya ma aysan soo saarin balse markaad eegto kalsoonida Manchester United ay muujineyso iyo aamusnaanta dheeratey ee Real madrid waxaad halkaa ka arki kartaa in xiddigan uu Old Traforrd uu baaqi ku sii ahaan doono.

Benitez Macalinka iminka maamula Real madrid waxaa uu kol sii horeysey sheegey in kooxdiisa muhiimada kowaad ee suuqa kala iibsiga in ay u tahay De Geam hadii xagaagan soo qaadashadiisa ay ku guuldareystaan mar ay ahaataba uu De Gea noqon doono goolhayaha Real Madrid.

De Gea waxaa uu kooxda Manchester United ku soo biirey sanadku markii uu ahaa 2011kii markaa oo uu kaga soo biirey dhanka kooxda Atletico Madrid.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles