Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Arsene Wenger oo diiday inuu fasaxo wiilkiisa cajiibka ah ee Jeff Reine-Adelaide

$
0
0

2AD6B8BE00000578-3175082-image-a-121_1437920420283

Macalinka Arsenal ayaa xaqiijiyay inuusan amaah ku fasaxeyn  xagaaga dambe da’yarkiisa wacdarada ka dhigaya koobka Emirates Cup ee Jeff Reine-Adelaide.

17 jirkan ayaa shalay qeyb ka ahaa safkii Arsenal ee 1-0 ugu adkaaday  Wolfsburg xili uu caawiye ka ahaa goolka lagu badiyay.

Wenger ayaa rajeynaya Jeff Reine-Adelaide inuu boos uga raadiyo kooxdiisa koowaad halka uu amaah ku fasaxi lahaa.

Wenger ayaa sheegay Jeff Reine-Adelaide inuu la shaqeyn doono kooxda koowaad una ciyaari doono 21 jirada sidaa daraadeed uu sii joogayo.

Reine-Adelaide ayaa Arsenal kaga soo biiray kooxda Lens.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles