Luis Suarez ayaa bandhig cajiib leh sameeyay la’aanta Messi iyo Neymar.
Barcelona oo kulan saaxibtinimo kula ciyaareysay USA kooxda Los Angeles Galaxy ayaa ugu adkaatay 2-1.
Suarez ayaa furay shabaqa oo dhaliyay gool Voley ah waxaana goolka labaad keenay qeybta labaad Sergi Roberto.
Los Angeles Galaxy ayaa iska soo celisay hal gool dhamaadka ciyaarta.
Steven Gerrard iyo Suarez oo saaxibo ku ahaa Liverpool ayaa isaga horyimid ciyaarta.
Xiddigaha u saftay Barcelona
Barcelona: Masip (Suarez 70); Bartra (Pique 46), Douglas, Mathieu (Vermaelen 46), Adriano (Jordi Alba 46), Rakitic (Iniesta 46), Busquets (Sergi Samper 46), Sergi Roberto (Gumbau 61), Pedro (Ramirez 46), Suarez (El Haddadi 46), Rafinha (Halilovic 70) .

