Santi Cazorla ayaa sheegay Barcelona iney tahay kooxda ay ku dayanayaan sanadka soo socda iyo Mustaqbalka Intaba.
Ciyaaryahanka Spain ayaa sheegay in isaga iyo saaxibidiisa Gunners ay rabaan mustaqbalka dhow in Barcelona oo kale qaabkii sanadkii hore seddexda koob ay ku qaaday iney sameeyaan.
Barcelona ayaa ku guuleysatay La Liga, Champions League iyo Copa del Rey waana markii labaad oo sidaas ay sameeyaan horayna 2009-kii ayey seddex koob u qaadeen.
Cazorla waxaa uu cadeeyay In kooxdiisa ay socoto iney ku guuleysato koobab badan sida Barce oo kale.
“mustaqbalka waxaan dooneynaa inaan ku darajo noqono Barcelona taas waa u jeedkeeda ayuu u sheegay Goal.com
30 jirkan ayaa Arsenal ku soo biiray sanadkii 2012.