Jamie Carragher halyeygii hore ee kooxda Liverpool ayaa waxaa uu amaan kala duldhacay labadda daafac ee kooxda Manchester United ay xili ciyaareedkan la so shir tagtey ee kala ah Blind iyo Smalling.
Xiddiga Blind ayaa xili ciyaareedkan waxaa loo badaley in uu ka ciyaaro booska daafaca dhaxe oo uu kula lamaanayahay Smalling waxaana labadaan xiddigba ay yihiin xiddigaha kooxda ay iminka ku tiirsantahay.
Haddaba Jamie Carragher ayaa waxaa uu sheegey in labadaan xiddig ay yihiin laba daafac oo sumcad weyn kubadda cagta ingriiska ka sameyn karaya, marka tayadooda loo eego.
Manchester United ayaa sabtida waxaa ay la ciyaari doontaa kooxda Swansea City.