Barcelona ayaa lagu wadaa maalmaha soo socda in heshiis cusub ay u soo bandhigto xiddigeeda Neymar kaas oo ay dooneyso Man United.
Heshiiskan Cusub ayaa la filayaa inuu noqdo mid shan sano ah.
Neymar heshiiska uu kula jiro Barcelona waxaa uu dhacayaa sanadka 2018.
Madaxweynaha Barcelona ayaa ka shaqeynaya inta uusan sanadkan dhamaan in Neymar ay ka saxiixaan heshiis ilaa sanadka 2021 uu kula sii joogayo.
Taas waxaa ay ka dhigeysaa in Neymar lagu iibsan karo £182milyan.
Heshiiskan waxaa sidoo kale uu Neymar ka dhigayaa ninka labaad ee ugu mashaarka badan Sanadka Barcelona kadib Lionel Messi.
Liiska xiddigaha haatan ugu mushaarka badan Barcelona.
1) Lionel Messi – £14.6m per year
2) Luis Suarez – £7.3m
3) Neymar – £6.4m
4) Andres Iniesta – £5.5m
5) Ivan Rakitic, Sergio Busquets and Dani Alves – all £5.1m