Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Jamie Carragher Oo Sheegey in saxiixa Balotelli uu ahaa qaladkii ugu weynaa ee ay Liverpool gasho.

$
0
0

Jamie Carragher daafacii hore ee kooxda Liverpool ayaa sheegey in kooxdiisa ay sameysey qalad aad iyo aad u weyn markii ay la soo saxiixatey Mario Balotelli.

Xiddigan reer Taliyaani ayaa kooxda Liverpool kaga soo biirey dhanka kooxda Ac Milan xagaagi horey balse waxaa uu ku guuldareystey in uu saameyn weyn ku yeesho kooxda oo uu la qabsado.

liverpool-mario-balotelli

Haddaba Jamie Carragher ayaa sheegey qaladkii ugu weynaa ee Liverpool ay gasho in uu ahaa in ay Balotelli la soo saxiixdan xagaagi hore .

” Balotelli waa mid kamid ah xiddigaha ugu xun kooxda ee abid soo mara waana qalad aad iyo aad u weyn in ay la soo saxiixdaan Liverpool” ayuu yiri Jamie Carragher.

Xili ciyaareedkii hore ayuu ku soo biirey 16 kulan oo uu Kooxdiisa u safteyna Balotelli keliya hal gool ayuu u dhaliyey.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles