Xiddigaha u dhashay dalka Spain ayaa shalay guul u horseeday kooxda Premier league ee Chelsea.
Jose Mourinho ayaa mahdinaya xiddiga uu Barcelona kala soo wareegay ee Pedro kaas oo dhaliyay islamarkaana caawiyay.
In Pedro uu ku biiro Chelsea ayaa ka dhigtay inuu ahaa xiddigii 10 aad Spain oo u ciyaara kooxda Blues.
Horay waxaa Chelsea u soo maray hadana u ciyaara xiddigo dalkaas Spain ka soo jeedo.
Kahor Pedro waxaa Chelsea soo maray sagaal ciyaaryahan oo Spain u dhashay waxaana ay kala yihiin.
Torres
Azpilicueta
Mata
Ferrer
Fabregas
Diego Costa
Del Horno
De Lucas
Oriol Romeu