Kooxda Real Madrid ayaa ciyaartey kulankeedi ugu horeyey ee horyaalka dalkaasi Spain la ciyaartey kooxda Sporting Gijon waxaana kulankaasi uu ahaa mid aad u xiiso iyo xamaasafba leh.
Ciyaarta ayaa ku bilaabatey dardar labadda dhinac ahba oo Real Madrid ayaa dooneysey in kulankeedi ugu horeyey ee xili ciyaareedkan in ay guul ku furato.
Fursado badan ayeey qeybtii hore ee ciyaarta labada kooxoodba sameyeen balse nasiib daro ma suurta gelin in ay goolal halkaasi ka dhaliyaan waxaana qeybtii hore ee ciyaartu ay ku dhamaatey barbaro goolal la’aan ah.
waxaa dib u bilowdey qeybtii labaad ee ciyaarta Real Madrid ayaa waxaa ay sameyey bandhig fiican oo ay goolal badan ku dhalin kareysey balse uma suurta gelin waxaana ugu danbeyn ay ciyaartii ku dhamaatey barbaro goolal la’aan ah.