Jose Mourinho ayaa qaba maanta in Baba Rahman iyo Pedro ay kicin doonaan burhaanta Chelsea ee guulaha.
Kulanka: West Bromwich Albion ? – ? Chelsea
Garoonka: The Hawthorns, West Bromwich
Garsooraha: Mark Clattenburg
Saacada: 3:30 galabnimo
Maalinta:Axad
Taariiqda: August 23, 2015
Rahman iyo Pedro ayaa safankara kulankoodii ugu horeeyay maanta halka ay dhaawac ku seegayaan Victor Moses iyo Oscar .
Xaqiiqooyinka ciyaarta.
West Brom ayaa 3-0 xagaagii hore ugu adkaatay Chelsea garoonkeeda waxaana ay noqotay guuldaradii ugu weyneyd ee Jose Mourinho ka soo gaarta Premier league.
West Brom ayey guuldarada ugu badan Premier league waxaa ay ka soo gaartay kooxaha Chelsea iyo Arsenal waana min 13 jeer.
Ma dhicin koox soo qaaday horyaalka ee labada kulan ugu horeeya xili ciyaareedka xiga hal dhibic ka heshay tan iyo Liverpool oo sidaa oo kale ay ku dhacday 1981-82.
Jose Mourinho ayey lixdii guuldaro ugu dambeysay Premier league waxaa ay ka soo gaareen tababarayaal magacooda uu ka bilaabanayo xarafka P,waxaana ay kala yihiin (Pulis, Poyet, Pardew, Pochettino, Pulis iyo Pellegrini).
Tony Pulis ayaa ka badiyay Jose Mourinho labo jeer uu kaga horyimid Premier league,ma jiro macalin ka badiyay Mounrinho seddex kulan Premier league.
Labada tababare ee Roberto Di Matteo iyo Andre Villas-Boas ayaa kulankooda ugu dambeeyay Premier league iyagoo tababare u ah Chelsea waxaa ay kaga horyimaadeen garoonkooda West Brom kahor inta aan la casilin.
Chelsea ayaa ah kooxda goolkeeda lagu tuuray shuudadka ugu badan Premier league ilaa iyo haatan xagaagan,waana 18.
Hal mar ayey dhacday iyadoo tababare uu u yahay Chelsea Jose Mourinho in laga badiyo labo kulan xiriir ah Premier league ,waana sanadkii 2006 markaas oo ay horyaalkana uu qaaday.
Kulankan ayaa qiimo weyn u leh Mourinho maadaama uu yahay kulankiisii 300 aad ee uu hogaamiyo Chelsea.