Waxaa safar dheer uu kusoo maray magaalooyinka SOMALILAND cayaaryahan wadanka SOMALIA berisamaadkii aad looga jeclaa isla markaana ilaa iyo hada ku dhex jira cayaaraha ENG ISMAIL AIDID AADAN “JAMAICA”, wuxuu kulamo kala duwan la kala qaatay qaar ka mid ah maamulka cayaaraha ee SOMALILAND iyo cayaaryahanadii berisamaadka iyo kuwa cusub, isagoo indha indheeyey qaabka uu u socdo horumarka iyo isbedelka cayaaraha SOMALILAND.
Socdaalkiisa ka dib JAMAICA wuxuu ka soo diyaariyay qoraal aad u dheer oo ka turjumaya sida ay wax u jiraan iyo waxyaabihii uu kala soo kulmay – HADALKIISA WUXUU KU BILAABAY SIDAN:
Tan iyo Intii Somaliland Jirtey Dowlad Aqoon u leh Sportiga gacanta kumey dhigin waxaan u socdaalay Luulyo 2015
Waxana La kulmey in alla inta Shaqaale kashaqeeya Wasarada Sportiga waxaanan ogaadey ineysan wax Aqoon u laheyn Shaqadooda. Aniga oon ku edeyneynin Dowlada hada jirta hase yeeshee Tan iyo Intii 1991 ineeysan wax horumar lataaban karo aysan sameeyn.
Dhalinyaraduna aysan jirin cid ama qof ay tiigsadaan oo ay ku daydaan
Wasaarada Sportigu waa wasaaradaha ugu dakhliga badan aduunka, laakin Tan Somaliland aan ogeyn haba yaraatee arintaa oo aad moodo ineysan Wasaradu garaneyn shaqada ay u hayso dhalinyarada iyo waxa loo igmadey.
Wasaarada Sportigu waa tan keliya ee jeebka shacabka lacagta kujirta kala bixi karta lakiin nasiib daro aan garaneynin wadadii ay u mari lahaayeen.
Dadkii Aqoonta u lahaa cayaaraha ee tegey dalka isla markaana ku han weynaa in ay u gudbiyaan qibradoodo SPORTI, waxaa dadka qaarkood ay is leeyihiin meesha aad fadhido ayuu ku socdaa, taasina waa ayaan daro dib u dhac xoog leh u keentay sidii weji cusub loogu sameyn lahaa SOMALILAND SPORT.
Arimahan waxaa keenay aqoon darada haysa iyo kalsooni xumo kafogeyneysa waxay kororsan lahayeen.
Waxaan isku dayey in aan la kulmo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali oo ah wasiir jecel Horumar iyo wax qabad balse ay suuroobi weyday.
Wasaaradan oo ah mida ay ku timaado Is dhexgalka bulshada,wacyigelinta tahriibka qabyaalada hase yeeshee intaba aan looga fadhin inta Masuulka ka ah Wasarada hanoqoto Wasiir Ilaa Agaasimaha guud oo haba yaraatee aan wax Aqoon u laheyn Shaqadooda.
Markaan is niri wax u kordhiyana is dhega tirid iyo Is maahis bilaben,taasina waxay ka mid tahay Aqoon darida haysa.
Waxaa xusid mudan Luqmaan Haji Omar oo qayb weeyn kaqadanaya Horumarinta Sportiga Somaliland oo Nasiib daro aan waxba laga kororsan.
SOMALILAND waxaa ku nool dhalinyaro aad u jecel noocyada kala duwan ee cayaaraha,iyadoo fursadaha ay u helaan in ay ka qeyb qaataan ay aad u yar tahay,arimahaa waxaa keena qaab siyaasadeedka cayaaraha oo gacanta ay ku hayaan dad aan aqoon haba yaraatee u lahayn sida cayaaraha wadanka loo hormarin lahaa.
Hadii la helo garoomo casri ah oo ay maal gelin karaan qurba joogta reer SOMALILAND,waxaa hubaal in la heli lahaa dhalinyaro u bisil sidii ay magaca iyo sharafta SOMALILAND kor ugu sii qaadi lahaayeen,laakiin hadii la waayo WACYI gelis waxaa hubaal ah in ay adag tahay sidii wadanka looga dhisi lahaa dhanka SBOORTIGA.
Hadalkeyga waxaan ku soo af-jarayaa in aan laga seexan sidii loo hormarin lahaa SPORTIGA SOMALILAND oo qof walba oo muwaadan ah uu mas’uul ka yahay,mar walba waxaa xusuus mudan in SIYAASAD iyo SPORTI aan isku meel geli karin.
Qore:ENG ISMAIL AIDID AADAN “JAMAICA”