Real Madrid ayaa waxaa ay goor dhaweyd ku dhawaaqdey in daafaceeda reer Portugal Pepe uu heshiiska u kordhiyey kooxdiisa isagoona kooxda la si joogi doona ilaa iyo sanadkan 2017ka.
Xiddigaan ayaa waxaa uu kamid ahaa xiddigaha Real Madrid loo badinayo in ay isaga tagayaan xagaagan waxaana aad u doonayey kooxo badan oo reer Yurub ah.
Real Madrid ayaa Pepe oo 32 jir ah ku adkeysatey in ay ku celiso garoonkeeda Waxaana hadda markii uu heshiiska saxiixayey heshiiskisa uga harsanaa hal sano.
Pepe ayaa kooxda caasimada Spain ka dhisan waxaa uu kaga soo biirey dhanka kooxda Porto ee reer Portugal sanadki 2007dii.