Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Pedro Oo Sheegey Sababtii Ka Danbeysey In Uu Ku Soo Biiro Chelsea Xili La Filayey In Uu Manchester United Uu Ku Biirayo.

$
0
0

Dhawaan galka kooxda Chelsea ee Pedro ayaa waxaa uu sheegey sababihii u diidey in uu ku biiro Manchester United ee uu ugu soo biirey Chelsesa.

Pedro ayaa Chelsea ku soo biirey shalay isagoona uga soo tagay dhanka kooxda Barcelona waxaase loo badinayey in uu xiddigan ku biirayo Mancester United balse uu si kadis ah ugu soo birey dhanka kooxda Chelsea.

Haddaba Pedro ayaa sheegey in macalin Jose Mourinho uu yahay qofka ka danbeeya in u ku soo biiro kooxda Chelsea isagoona sheegey in habeen ka hor uu la soo xiriirey una sameyey balan qaad aad u heersareya, midkaasna uu ku qasbey in uu ku biro kooxdaasi.

” Macalin Mourinho ayaa ah maskaxda ka danbeysa in aan ku soo biiro kooxda Chelsea waayo isagaa ila soo xiriirey iina sheegey in uu doonayo in kooxda aan kula soo biiro” ayuu yiri Pedro.

xiddigaan ayaa mudadii uu Barcelona ka tirsanaa waxaa uu kooxdiisa kula guuleystey 20 koob.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles