Majalada Marca ayaa soo bandhigtay shaxda Real Madrid ay ku ciyaari doonto xagaagan.
Marca ayaa weydiisay taageerayaasha Real Madrid shaxda ugu wanaagsan ee ay jeclaan lahaayeen in kooxdooda ay ku ciyaarto.
Real Madrid ayaa ahmiyad weyn saareysa xagaagan ku guuleysiga La Liga oo aysan qaadin tan iyo 2011.
Waxaa ay codsadeen taageerayaasha in si joogta ah weerarka looga ciyaarsiiyo James, Isco, Ronaldo iyo Benzema taas oo ka dhigeysa Bale in keyd la geliyo.
Varane iyo Ramos ayey u doorteen iney daafaca ku bilowdaan halka goolka ay dalbadeen Navas.