Wararka Spain ka soo baxaya ayaa sheegaya Fabio Coentrao inuu ka codsaday Real Madrid in loo fasaxo kooxda sida weyn u dooneysa ee Inter Milan.
Nerazzurri ayaa la fahansan yahay in xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo dhanka suuqa kooxda Spain ee Real Madrid.
Toddobaadkan ayey aheyd markii Inter ay u ogolaatay xiddigeeda Mateo Kovacic inuu biiro Real Madrid.
Cadena Ser ayaa soo qortay maanta in daafaca Portugal uu doonayo inuu ka tago Real Madrid xagaagan wallow Real Madrid ay diidan tahay iney fasaxdo ilaa ay ka heleyso badalkiisa.
Gazzetta dello Sport waxaa ay leedahay Fabio Coentrao waxaa lagu wadaa inuu Inter ku biiro.
Roberto Mancini ayaa horay u qirtay inuu rabo ciyaaryahanka Real Madrid xagaagan.
27 jirkan ayey hubaal tahay inuu boos joogta ah ka helayo Inter maadaama Marcelo uu keyd ugu jiro Real Madrid.