Horyaalka La Liga ayaa caawa furmaya iyagoo kubada ugu horeysa ay nasiib u helayaan iney baastaan kooxaha Malaga iyo Sevilla saacada 9:30 habeenimo.
Sanadkii 1929-kii ayaa daaha laga rogay horyaalkan oo kooxda ugu badan ee ku guuleysatay ay tahay kooxda Real Madrid taas oo qaaday 32 jeer.
Barcelona ayaa ah kooxda labaad ee ku soo xigta waxaana ay qaaday 23 jeer.
Kooxaha waa weyn ee tartanka uu u dhaxeeyo Barcelono iyo Real Madrid ayaa ciyaari doona Axada.
Real Madrid ayaan ku guuleysan La Liga tan iyo sanadkii 2011 halka Barcelona ay hanatay xagaagii hore.
Messi iyo Ronaldo ayaa markale ku tartami doona xagaagan gool dhalinta La Liga oo sanadkii hore uu jiitay Ronald.
Tartanka MSN iyo BBC ayaa iyana halkiisa ah xili sanadkii hore weerarka MSN ay dhaliyeen 122 gool taas oo ah wax aysan horey u sameyn seddex xiddig oo iska garab ciyaara.’
Kulanka Clasico ayaa kamid ah waxyaabaha isha lagu hayo kaas oo sanadkii hore ay kala badiyeen Real Madrid iyo Barcelona.
Derby Madrid kooxda Benitez ayaa u baahan iney maaro u hesho Atletico Madrid oo xagaagii hore ku ceebeysatay kulamadaas Real Madrid.
Neymar waxaa macquul ah inuu Messi iyo Ronaldo uu ka dhex qaado kabta horyaalka maadaama xagaagii hore uu ahaa ninka seddexaad ee horyaalka La Liga ugu gool badnaa halka goolasha Champions league uu min 10 gool uu la wadaagay Messi iyo Ronaldo,Ninkaa warkiisa waa weynaaday.
bale,Benzema iyo Suarez waa rag kale oo isha lagu hayo waliba Suarez isagoo dib ka yimid ayuu xagaagii hore dhaliyay goolal badan maxaa laga filayaa isagoo kulanka hore horyaalka la bilaaba Barcelona.
15 May 2016 ayaa la soo afjari doonaa sanad ciyaareedka cusub ee La Liga caawa furmaya.
Taariiqda kulanka Malaga iyo Sevilla.
Sevilla ayaa guuldaro la’aan ah kulamadii Derbiga ee kooxaha ay isku magaalada yihiin ay la ciyaartay xagaagii hore,waxaa ay badiyeen 7 halna bar baro.
Macalinka Sevilla Unai Emery ayaa laga badiyay kaliya labo jeer uun 13 – kulan uu la ciyaaray kooxda Malaga isagoo tababare ah,8 waa uu badiyay seddexna bar baro.
Malaga ayaa laga badiyay hal jeer lix kulan oo ay ciyaartay kulamada furitaanka horyaalka La Liga oo ay ku ciyaartay garoonkeeda,4 waa ay badisay halna bar baro.
Halka guuldaro ee furitaanka horyaalka garoonkeeda ka soo gaartay waxaa 3-1 ugu adkaatay Valencia sanadkii 2010/11.
Sevilla ayaan guul ku furan horyaalka kulanka ugu horeeya marka ay garoon kale ku soo ciyaareyso tan iyo 2010/11,markaas oo 4-1 ay ugu soo adkaadeen kooxda Levante.