Kooxda England Newcastle United ayaa ku xujeysay AC Milan lacag dhan £15.5million si ay ugu gacan geliso xiddigeeda qadka dhexe ee Moussa Sissoko.
AC Milan ayaa toddobaadkan raadineysay 26 jirka u dhashay wadanka France.
Balse lacagaha ay dalbatay Newcastle oo aad u badan darteed Milan waxaa ay badalkiisa doonatay xiddiga qadka dhexe Sampdoria Bruno Soriano.
34 kulan uu ciyaaray Moussa Sissoko xagaagii hore horyaalka Premier league waxaa uu dhaliyay afar gool.
2013 ayuu ugu soo biiray Newcastle kooxda Toulouse xili Arsenal xitaa ay raadineysay.
Sissoko ayaa saftay xagaagan labada kulan ee ugu horeeya horyaalka.
