Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Maalin xusuus u leh kooxda Chelsea iyo Michael Essien

$
0
0

Michael Essien ayaa maanta oo kale ugu soo biiray Chelsea rikoor lacageed oo qaali ah.

10-sano kahor maanta oo kale Chelsea waxaa ay gacanta ku soo dhigtay ciyaaryahanka Ghana kaas oo guulo badan la gaaray Chelsea.

Waxaa uu ku jiraa xiddigan kooxda riyada uu ugu jecelyahay tababare jose Mourinho xiddigihii uu macalinka u soo noqday.

michael-essien-chelsea

Durba sanadkiisii ugu horeeyay waxaa uu u saftay 31 ciyaar Premier League waxaana uu la qaaday horyaalka Premie league.

2012-13 waxaa uu amaah ugu hal xili ciyaareed uu ugu ciyaarayay Real Madrid oo uu watay Jose Mourinho.

2014 waxaa uu sii joogta ah ugu wareegay AC Milan .

Michael Essien ayaa Chelsea la qaaday labo Premier league,Champions league,Seddex FA Cup iyo hal League Cup kadib 256 kulan uu u saftay waxaana uu u dhaliyay 25 gool.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles