Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Natiijooyinka: Manchester United Oo Si Xarago Leh Uga Adkaatey Club Brugge (Depay Oo Laba Gool Caawa Shabaqa Taabtey)

$
0
0

Manchester United ayaa waxaa ay caawa la ciyaartey kooxda Club Burgge kulan ku tirsan isreebreebka Champions League-ga waxaana kulankaasii uu ahaa mid aad u xiiso iyo xamaasadba leh.

Kulankaasi ayaa waxaa daqiiqadii 8aad ee ciyaarta gool iska dhaliyey Carrick sidaana waxaa gool iyo eber hogaanka ciyaarta ku qabatey kooxda Burgge.

Daqiiqadii 13aad ee ciyaarta garab weerarka dhawaan galka ah ee kooxda Manchester United caawana ahaa xiddigii garoonka ayaa kooxdiisa u barbareyey ciyaartana ka dhigey gool iyo gool.

Depay ayaa goolkiisi labaad ee ciyaarta halkaa ka dhaliyey kadib markii uu si xirfadeysan uu u qiyaamey daafacyadda kooxda Burgge.

Waxaa qeybtii hore lagu kala nastey laba gool iyo waxba, ciyaarta ayaana dib la isugu soo noqdey.

Waxay ciyaarta socotaba daqiiqadii dheeri-ga ahaa ee ciyaarta lagu daray ayaa Manchester United waxaa ay dhalisey goolkeedii seddexaad ciyaartana waxaa ay ku dhamaatey seddex gool iyo gool.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Latest Images

Trending Articles