Juan Mata kubad sameyaha kooxda Manchester United ayaa waxaa uu sheegey in xiddig walba oo kooxda kamid ah uu doonayo ama uu ku faraxsanyahay in uu arko kooxda oo mar kale u tartameysa ka qeyb galka Champions League-ga.
Manchester United ayaa isreebreebka koobkan Champions LEague-ga waxaa ay isku arkayaan kooxda Club Brugge talaadada berito ah.
Haddaba Mata ayaa sheegey in muhiimadooda ugu weyn in ay tahay in kulankaasi ay guul gaaraan si si dhib yer ay ugu soo baxaan Champions League-ga.
” Muhiimadeena ugu weyn waa in aan ka qeyb galnaa Champions League-ga, qof walba oo kooxda kamid ahna waa uu ku faraxsanyahay midaas” sidaasi waxaa yiri Mata
Manchester United ayaa laba kulan oo horyaalka ingriiska ay ka ciyaartey labadiiba guulo gaartey.