Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Ezequiel Lavezzi Oo Horyaalka Ingriiska Looga Gacan Haatinayo.

$
0
0

Ezequiel Lavezzi weeraryahanka kooxda reer France ee PSG ayaa lagu soo waramayaa in looga gacan haatinayo dhanka horyaalka dalka ingriiska.

Xiddigan Ezequiel Lavezzi ayaa mustaqbalkiisa kooxda PSg waxaa galay shaki aad iyo aad u weyn kadib markii kooxdaasi ay la soo wareegtey Angel Di Maria oo ay xagaagan ka soo qaadatey Manchester United.

Kooxo badan ayaa saxiixa Lavezzi aad u doonaya waxaana kooxahaasi kamid oo hor kacaya kooxaha kala ah Tottenham, West Ham United iyo weliba sidoo kale Arsenal oo intuba u arka saxiixa xiddigan mid iyaga u muhiim ah.

Sidoo kale warar kale ayaa iyaguna sheegaya in xiddigaan uu fursad u heysto in uu ku biiro dhanka horyaalka Seria A-da Taliyaaniga oo uu horeyba kooxda PSG uga soo biirey.

91 kulan oo uu kooxdiisa PSG u saftey Ezequiel Lavezzi waxaa uu u dhaliyey 20 gool.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles