Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Falanqeynta Taariiq kulanka Derbiga ee u dhaxeeya Manchester City ? – ? Chelsea

$
0
0

Jose Mourino oo culeys uu ka heysto dagaalkii uu ku qaaday dhaqaatiirta caafimaadka Chelsea ayuu horyaalaa kulan derbi ah maanta xili guuldaro kulankan ka soo gaarta ay ka dhigan tahay in shan dhibcood ay lumin doonto bilowga horyaalkaba.

Kulanka: Manchester City ? – ? Chelsea

Garoonka: Etihad Stadium, Manchester

Garsooraha: M. Atkinson

Saacada:6:00 maqribnimo

Maalinta:Axad

Taariiqda: August 16, 2015

Sergio Aguero oo badal ku soo galay kulankii West Brom ayuu Pellegrin sheegay wali inuusan 100% taam aheyn marka waxaa suuragal ah in keydka uu ku soo bilowdo.

Sidoo kale City waxaa ka dhaawacan  Gael Clichy ,Fabian Delph iyo Fernando.

Chelsea waxaa ka ganaaxan Courtois sidaa daraadeed Asmir Begovic ayaa Chelsea u safan kara kulankiisii ugu horeeyay ee safka hore uu ku soo bilowdo halka Oscar shaki la gelinayo.

Man-City-vs-Chelsea

Xaqiiqooyinka ciyaarta.

Manchester City ayaa badisay kaliya labo jeer sagaalkii kulan ugu dambeeyay Premier league ay la ciyaartay Chelsea,seddex bar baro waxaana laga badiyay afar.

Chelsea  ayaan laga badin dhamaan 28-kii kulan ugu dambeeyay Premier league ay ciyaartay bisha August,waxaa ay badisay 23 shana bar baro.

Jose Mourinho ayaa badiyay 7 jeer  kaliya waxaa laga badiyay labo jeer 12 jeer uu ka horyimid tababaraha Man City Manuel Pellegrini halka seddex kulan bar baro ku dhamaadeen.

Mourinho ayaa laga badiyay sagaal jeer Premier league soo laabashadiisii labaad Chelsea 77 kulan uu ciyaaray halka 10 jeer laga badiyay 120 kulan Premier league qabashadiisii koowaad ee Chelsea.

Markii ugu dambeysay oo Chelsea laga badiyo bishan August  horyaalka waxaa ay aheyd 23-kii August 2006 waxaana banaanka ku soo garaacday Middlesbrough 2-1.

Manchester City ayaa dhameystirtay 693 baas kulankii ugu dambeeyay taas oo ka badan 212 jeer inta ay sameeyeen kooxaha kale kulankoodii ugu horeeyay horyaalka xagaagan.

Kaliya David Silva oo (90) iyo Fernandinho (90) ayaa dhameystiray baasaska ugu badnaa kulankii koowaad ee horyaalka taas oo ka badneyd inta uu xiddig kasta sameeyay.

Tan iyo safashadiisii ugu horeysay ee August 2010,David Silva ayaa sameeyay caawinta ugu badan Premier league waana 47 jeer taas oo ka  badan xiddig kasta inta uu sameeyay.

Sergio Aguero ayaa dhaliyay sagaal gool siddeedii kulan ugu dambeeyay Premier league uu ciyaaray.

Chelsea ayaa kaliya ku soo badisay hal jeee 7 kulan ay horay ugu soo ciyaartay Etihad Stadium tartamada oo dhan,shan waa looga soo badiyay halna bar baro.

Kooxda Manuel Pellegrini ayaa badisay 7-dii kulan ugu dambeeyay Premier league ee ay ku ciyaartay garoonkeeda,waxaana aan gool laga dhalin lix kamid ah kulamadaas.

Markii ugu dambeysay oo Chelsea ay ku guuldareysato iney badin weyso labada kulan furitaanka horyaalka waxaa uu ahaa 1998.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles