Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Liverpool oo u diiday AS Roma daafaceeda Mamadou Sakho

$
0
0

Liverpool ayaa diiday in amaah ay ku qaadato Roma xagaagan daafaceeda reer france ee Mamadou Sakho,sidaas waxaa sheegeysa Goal.com.

Xiddigan ayaa looga tagay kursiga keydka kulankii ugu horeeyay horyaalka ee Liverpool ay la ciyaartay Stoke.

mamadousakho-cropped_wkb2a8ban1wo15dn1ts7g6hfo

Tababare Brendan Rodgers ayaa ka doorbiday in daafaciisa uu ka dhigo Martin Skrtel  iyo Dejan Lovren.

Brendan Rodgers wax dan uu ka leeyahay ma jirto 25 jirkan Sakho maadaama uu u heysto booskiisa Nathaniel Clyne ,Joe Gomez iyo Tiago Ilori oo amaah ka soo laabtay.

Sakho 32 kulan ayuu Liverpool ugu soo bilowday safka hore labo xili ciyaareed uu la tirsanaa waxaana waqtigiisa ugu badan uu kulumiyay dhaawac laakiin waxaa uu noqday nin ay taageerayaasha kooxda ay ku aamin qabaan daafacashadiisa.

Roma ayaa u baahneyd xiddigan maaadaama ay ka tageen  daafacyadeeda Alessio Romagnoli oo AC Milan ku biiray iyo Mapou Yanga-Mbiwa  oo Lyon u dhaqaaqay.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles