Quantcast
Channel: Wararka Maanta & Ciyaaraha » Sports
Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Falanqeynta Taariiq ee kulanka Premier league Aston Villa ? – ? Manchester United

$
0
0

Louis van Gaal ayaa raadinaya guushiisii labaad ee horyaalka caawa xili Aston Villa ay dooneyso iney soo afjarto Abaarta ka heysata iney kaga badin weyso garoonkeeda United.

Kulanka: Aston Villa ? – ? Manchester United

Garoonka: Villa Park, Birmingham

Garsooraha: M. Dean

Saacada:9:45 habeenimo

Maalinta:Jimco

Taariiqda: August 14, 2015

V8ieN

Aston Vill waxaa laga yaabaa iney heli weyso caawa xiddigaheeda Carles Gil iyo Jack Grealish oo dhaawacan.

Marouane Fellaini iyo Phil Jones  ayaa ah labada xiddig ee ka maqan kulankan halka Van Gaal uu cadeeyay De Gea markale inuusan ciyaari doonin iyadoo gacmo gishiga loo dhiibayo Romero.

Xaqiiqooyinka ciyaarta.

Aston Villa ayaan garoonkeeda ku garaacin Man United tan iyo bishii August 1995-tii,7 bar baro 12 waa laga badiyay.

Red Devils ayaa ka badisay kulumo badan Aston Villa waana 32 taas oo ka badan inta kooxi mid kale inay ka badiso taariiqda horyaalka Premier league.

Aston Villa ayaa badisay kaliya hal jeer 39-dii kulan ugu dambeeyay Premier league ay la ciyaartay Man United,28 waa laga badiyay,10 bar baro.

United ayaa dhalisay 21 gool 7-dii kulan ugu dambeeyay Premier league ay ka hortimid Aston Villa,ugu yaraan kulan kasta seddex gool ayey ka dhalineysay.

Wayne Rooney ayaa goolal badan Premier league ka dhaliyay Aston Villa taas oo ka badan inta uu kooxaha kale uu ka dhaliyay waana 13 jeer.

Tan iyo bilowgii 2013/14 Rudy Gestede ayaa dhaliyay 20 gool oo  madax ah  horyaal dhaliyay taas oo ka badan inta uu xiddig kasta ka dhaliyay afarta horyaal ee England laga ciyaaro.

Louis van Gaal ayaa isticmaalay 38 ciyaaryahan oo kala duwan tan iyo bilowgii xili ciyaareedkii hore taas oo ka badan inta kooxaha kale ay isticmaaleen.

Kani waa jimcihii ugu horeeyay Premier league la ciyaaro tan iyo 16-kii April 2004 markaas oo Arsenal 5-0 ay ugu adkaatay kooxda Leeds United.

Aston Villa ma dhicin iney badiso labada kulan ugu horeeya horyaalka Premier league tan iyo 1999-00.

Manchester United ayaan wax gool ah laga dhalin dhamaan seddex kulan uusan u ciyaarin 2013-14 goolhaye David de Gea.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 1718

Trending Articles